Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay xoogagga Al-Shabaab ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo.

Axmed-madoobe

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka aloosmay qilaaf cusub oo u dhexeeya laba beelood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Labada beelood oo kala ah Mareexaan iyo Ogaadeen ayaa isku qilaafay gacan ku haynta maamulka magaalada oo uu hada hayo nin u dhashay beesha Mareexaan.

Beesha Ogaadeen ayaa ku eedaysay maamulka Mareexaan in ay ku jiraan rag taageeri jigay Barre Hiiraale, ayna ka go’an tahay in Ogaadeenka lagu soo wareejiyo maamulka magaalada Kismaayo.

Maamulka sare ee Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay Axmed Islaam Axmed (Axmed-Madoobe) inuu ka dambeeya qilaafka soo laalaabanaya, waxayna ku eedeeyeen inuu wali ka tirsan yahay dowladda Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo uu is qarinayo, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in Axmed-Madoobe uu mar walba soo nooleeyo qilaaf laga heshiiyay.

Laba ciidan oo kala taabacsan Mareexaan iyo Ogaadeen kana wada tirsan Al-Shabaab ayaa shalay ka baxay magaalada Muqdisho, iyagoo ay u yeerteen madaxda qabaa’ishooda ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wafdi ka tirsan Ururka Al-Shabab iyo Xisbul Islaam ayaa ku baxay qilaafkaasi si ay u qaboojiyaan, iyagoo ka cabsi qaba in haddii uu dagaal ka bilowda Al-Shabaab dhexdeeda ay halkaasi ku burburi doonto guulihii ay soo hoyeen bilihii lasoo dhaafay.

Ragga Ajaanibta ah ee kor ka maamula Al-Shabaab ayaa la filayaa inay soo faragaliyaan qilaafkaan haddii uu u muuqdo mid faraha ka bixi raba, sidii ay usoo faragaliyeen qilaadkii Abuu Mansuur iyo Axmed Godane.

Awaamirta iyo hanjabaadaha ay soo saareen ragaas ayaa ku qasbay Abuu Mansuur inuu dhiniciisa ka raaco Al-Shabaab oo uu mar ku sigtay inuu ka baxo.

SomaliSwiss Kismayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: