Xaalada Amaanka ee Magaalada Baladweyne oo Maalinba maalinta ka danbeysa u muuqata mid ka sii daraysa.

Balaweyne

Halkaan ka akhri

Wakiilka SomaliSwiss ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda amaanka Magaaladaasi u muuqdo mid ay ka  sii darayso, kadib markii xalay ay kooxo hubaysan oo aan heebtooda la garanayn qof rayid ah ku dhaawaceen gudaha Magaaladaas.

Qaar mid ah dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyey Wakiilka SomaliSwiss in dhaawaca ninkan rayidka ah uu yimid kadib markii kooxo ku hubaysnaa bastoolado iyo Tooreeyo ku amreen ninkaasi in uu ku wareejiyo Mobile-Nooca gacanta ah iyo waxoogaa lacag ah uu watay, hase yeeshee ka dhaga adeygay, kadibna ay Burcada ahayd dhaawac u geysteen.

Sida lagu soo warramay waxay Kooxdaas ay ka qaateen qofkaasi Mobile-ka gacanta iyo lacagtii uu watay, hase yeeshee waxaa qofkaasi goobta uu ku dhaawacmay ka qaadeen dadka deegaanka oo gaarsiiyeen Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Si kasta ahaatee xaaladda ammaan ee degmada Baladweyne ayaa la sheegay in maalinba maalinta ka danbaysa ay faraha ka sii baxayso, waxaana ku soo badanayaan falalka dhaca iyo iska hor’imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda oo kuwada sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss    Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: