Qaramada Midoobay oo ka Jawaabtay Bayaankii ay Al-Shabaab shaqada uga joojisay dhowr Hay’adood.

un2

Halkaan ka akhri

Marie Okabe oo ah Afahayeenad u hadashay Q.M ayaa ka hadashay Shaqo joojintii ay Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ku joojiyeen Hay’ado dhowr ah oo hoos taga Q.M, waxayna Sheegtay inay sii wadayaan Shaqadooda, waxayna rajo ka muujisay inay dib u soo laabtaan Adeegyadii Bani-aadamnimo ee ay ka wadeen Baydhabo.

Afhayeenada oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: “Qaramada Midoobay way sii wadaysaa Shaqaddii ay ka haysay Magaaladda Waajid, waxay u baahan yihiin oo kaliya waxooga Xagga Amaanka ah, sidoo kale waxaa jira Rajo fiican oo aanu ka qabno inay dib u soo laabtaan Adeegyadii Bani-aadamnimo ee Baydhabo ka dib markii Qiimayn lagu sameeyo Duruufta Xagga Amniga ah ee halkaasi ka jirta”.

Bogga Shabakadda wararka ee Q.M ayaa lagu qoray in dabley hubaysan oo Soomaali ah oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa werar ku qaaday 2 Xafiis oo ay Q.M lahaayeen, waxayna ka qaateen Qalab iyo Baabuur, waxayna ku qasbeen mid ka mid ah Hay’adahaasi inay joojiso Shaqadda ay wadanka ka hayso”.

Sidoo kale Axmed Walad Cabdalla oo ah Ergayga Q.M ee arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka digay wuxuu ku tilmaamay Kooxo Xag jir ah oo Hali ku ah inay Afganbiyaan Xukuumadda Sharciga ah, wuxuuna ugu Baaqey waxa loogu yeero Beesha Caalamka inay soo fara galiyaan.

Ergayga Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdalla oo waraysi siiyay Wargeyska “The Washington Post” ee ka soo baxa Maraykanka ayaa yiri “Inta Caalamku meelo kale Xooga saarayo, waxay Kooxaha Xag jirka ah ee Ajnabiga ah isku dayayaan inay Qabsadaan Wadanka”.

Xarakadda Al-Shabaab ayaa Shalay Bayaan ay soo saareen ku sheegeen inaysan Hay’adaha kala ah UNDP, UNDSS iyo UNPOS, aysan ka howl gali karin Wadanka Soomaaliya waxaana lagu yiri Bayaanka “wixii ka dambeeya Maanta oo Taariikhdu tahay (20/07/2009) waxa la go’aamiyay in la xiro Tiro ka mid ah Hay’adaha Ajnabiga ah ee ka howl gala Wadanka Soomaaliya kuwaas oo loo aqoonsaday inay Cadow ku yihiin Islaamka iyo Dadka Muslimiinta ah.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: