Maamulka Shirkada Ururka Livestock ee Maamul Goboleedka Puntland oo soo bandhigtay daraasad la xiriirta xagga Hor’marinta Xoolaha.

Shirkada Urur Livestock 2

Halkaan ka akhri

Shirkada Urur LivestockHotel ku yaala Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inuu maanta ka dhacay shir balaaran oo ay ku yeeshee maamulka Shirkada Urur Livestock waxay halkaas ku soo bandhigeen daraasad xagga Hor’marinta Xoolaha oo ay ka sameeyeen Gobolada Maamul Goboleedka Puntland.Shirkan ayaa waxaa  soo qabanqaabiyey Madaxda Shirkada Urur Livestock, taasi oo lagu soo bandhigayay Cilmi Baaris la xiriirta hormarinta bii’ada iyo Xoolaha Soomaalida ayaa maanta waxaa ay ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Waxaana ka soo qeyb-galay kulankaasi Ganacsatada Xoolaha ,Aqoonyahanada Deegaanada Puntland iyo Waxgaradka iyo salaadiinta Maamulkaasi kuwaasi oo halkaasi ka jeediyay hadalo kala duwan.

Hase yeeshee Madaxdii kulankaasi ka soo qeyb gashay ayaa waxaa ka mida ahaa Gudoomiyaha Urur Livestock Rashiid Warsame Urur (Biikolo),Dr. Dr.Franco Protela oo ka mida madaxda shirkadasi una dhashay wadnka Maraykanka, Dr.Maxmed Sh.Axmed (Dr.Afey) iyo madax kale oo ka socotay Shirkadaasi.

Dr.Franco Protela oo ah Madaxa Daraasaadka iyo Cilmi barista Urur Livestock, isla markaasna ah aqoonyahan ku xeeldheer xagga Cilmiyada Xoolaha iyo Caafimaadka una dhashay wadanka Maraykanka ayaa mujiyeen in ay muhiim tahay bacrimin iyo nafaqeynta Xoolaha Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay kuwa cagga caafimaadkooda iyo wax soo saarka intaba gacan laga geysan karo.
Sidoo kale Madaxa Caafimaadka Xarumaha Gudaha dalka soomaaliya Ee Urur Livestock Dr.Maxmed Sh.Axmed (Dr.Afey) ayaa dhankiisa waxa uu ka hadlay Caafimaadka Xoolaha ee Xaruntooda Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in laga helo Lo’da caafimaadkooda ay ka taxadareen Caano aad u badan una iibgeeyo Suuqyada Muqdisho.
Dhanka kale Rashiid Warsame Urur(Biikolo) oo ah Gudoomiyaha Urur Livestock oo gaba-gabadii kulanka la hadlay saxaafada ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in shirkada la aas-aasay muddo laga joogo 5-Sanadood xiligaasi oo shaqadooda ay ka bilaabeen Magaalada Muqdisho ka dibna ay xarun kale ka fureen Degmada Jowhar.

XoolahaWuxuu kaloo Dr.rashiid Warsame Urur (Biikolo) ayaa sheegay in xiliya badan ay qorsheynayeen sidii ay xarun uga furan lahaayeen Magaalooyinka Maamulka Puntland isagoo muujiyay in uu si weyn ugu faraxsanyahay in xiligan ay u soo gaba’gabowday Cilmi baaris ay ka wadeen maamulkaasi islamarkaana ay furayaan Xarunta Bacriminta iyo Nafaqeynta Xoolaha.

Guddoomiyaha Urur Livestock ayaa wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan qorshayaasha hormarinta ah ay hay’adooda ay wado islamar’ahaantaana uu sheegay in dhaqaatiir Soomaaliyeed ay u istaageen sidii caafimaadka Xoolaha iyo Caanahooda intaba u koontooli lahaayeen.
Ugu danbeyntii  Waxgaradka iyo Ganacsatada Xoolaha ee ka socotay Bulshada Reer Puntalnda ayaa waxay sheegeen in ay si weyn ugu riyaaqeen waxqabadka shirkada Livestock Ee Maanta Boosaaso lagu soo bandhigay iyagoo sheegay in wax badan ay ka badali doonto xarunta dhawaan laga furayo Puntland Caafimaadka Caruurta Cabta Caanaha.
SomaliSwiss    Bosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: