Hooyo Soomaaliyeed oo xalay ku dhashay ilmo Mucjisa ah degmada Balanbale ee Gobolka Galguduud.

2_madax canug ku dhashay

Halkaan ka akhri

Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool tuulo udhaw degmada Balanbale ee gobolka Galguduud ayaa xalay umushay gabar mucjisa ah oo leh laba madax iyo afar lugood.

2_madax canug ku dhashay

Gabadhan mucjisada ah isla markaana ka mid ah ilmaha layaabka leh ee uu ALLA kusoo kordhiyo aduunyada ayaa waxaa la sheegay in ay nooshahay waloow aanan la hubin in xaaladeeda caafimaad ay hagaagsan tahay maadaama aysan wali arikin dhaqaatiir.

Hase yeeshee Umulisadii dhalisay canugan oo lagu magacaabo Xaawa Faarx Xasan oo qadka telefoonka lagula xiriiray ayaa sharaxdday sida ay ku dhalatay gabadhan yar.

“Hooyada dhashay gabadhan yar horay waxay usoo dhashay gabar kale oo ka weyn gabadhan mucjisada ah, gabadhaasi waa lagu soo qalay, laakin ilmahan hada kusoo kordhay waxaa ay ka martay dhib waayo qof laba madax leh waad garan kartaa dhibaatada laga mari karo, ALLE wuu inoo fududeeyey haatan, dhibka ugu weyn ayaa ah in aanan naas la nuujin karin sababta oo ah labada madax ayaa isu dhaw” sidaa waxaa tiri Umuliso Xaawa.

Waalidiinta dhalay ilmahan yar ayaa codsaday in la caawiyo gabadhan yar, waxaana ay ka codsadeen dhamaan Musliminta gaar ahaan walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay caawiyaan, kana caawiyaan sidi loo badbaadin lahaa ilmahan yar ee Mucjisada ku dhashay.

Ma aha marki ugu horeeysay ee dalka Soomaaliya lagu arko ilmo noocan oo kale ah in kastoo aysan badneyn,waxaana arrintan la yaabay dadka kunool deegaanka Balanbale oo ilaa iyo haatan booqanaya canugan yar.

SomaliSwiss Balanbale

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: