Gudiga Baaritaanka dowladda KMG oo xaqiijiyay in Wasiirka A/Gudaha uusan wax lug ah ku laheyn Afduubkii loo geystay 2 Nin oo Faransiis ah.

sheikh-c-qaadir-cali

Halkaan ka akhri

Baaritaan dheer kadib waxaa ay soo bandhigeen gudigii loo xilsaaray Baaritaanka afduubkii labadii Nin ee Faransiiska ahaa inuusan wax lug ah ku lahayn dhacdadaasi Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh C/qaadir Cali Cumar kuna tilmaameen barabagaando inuu ka dambeeyay arinkaasi, inkastoo la sheegay in ciidamadiisi ay ku lug lahaayeen afduukaasi.

Baaritaankan oo ay sameeyeen guddiga habaynta iyo talo bixinta Ciidamada qalabka sida oo ka kooban 15-xubnood ayaa baaritaankoodu waxaa uu ku salaysnaa qaabka uu u dhacay falkii afduubka ahaa ee lagu afduubtay la haystayaal u dhashay dalka Faransiiska oo dhawaan lagu afduubtay Hotel Sahafi ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa baaritankooda waxaa ay ku xaqiijinayeen afduubkaasi cidda ka danbaysay, inkastoo aysan wali si rasmi ah u carabaabin cida sida rasmiga ah uga dambeysay.

Korneel Xasan Cali Jaamac oo kamid ah guddigii loo xilsaaray arrintaasi ahna Afhayeenka guddigaas oo lahadlayay Saxaafadda, kadib markii baaritaanka ay soo af jareen ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh C/qaadir Cali Cumar in uusan wax lug ah ku lahayn Afduubka ragaasi Faransiiska ah, isagoo sheegay wararkii la isla dhaxmarayay ee arrintaasi ku aadanaa in ay ahaayeen kuwo been abuur ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: