Gabadhii Canadian-ka ahayd Amanda Lindhout oo Afduubka loo heystay oo lasheegay in ay ku Umushay magaalada Muqdisho.

Amanda-lindhout-from-canada

Halkaan ka akhri

 

Canadian freelance journalist Amanda Lindhout sits with a child in Mogadishu, Somalia,Warar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Amanda Lindhout oo aheyd gabar wariye ah oo u dhalatay dalka Canada ee lagu afduubtay wadada Afgooye bishii August 2008, ayaa waxaa lasheegay Maalintii Sabtiga ahayd in ay ku umushay Guri ay leedahay Naag Umulisa Soomaaliyeed oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Kooxihii Afduubayaasha ahaa ee qafaashay Amanda Lindhout oo 27 jir Canada u dhalatay ayaa waxaa ay la afduubteen Nin kale oo Ajnabi ah oo lagu magacaabo Nigel Brennan oo 37 jir ah oo u dhashay wadanka Australia iyo C/fataax Maxamed Cilmi oo Soomaali ah, kuwaas oo Afduubka kadib dalbadey Lacag madax furasho ah oo dhan 2.5 Milyan Dollar ama 1.8 Milyan Euro.

Horaantii Sanadkan 2009 ayaa lasoo sheegay in ay UUR leedahay gabadhaasi Kanadiyanka ah, lamana oga cida u yeeshay uurkaasi iyo qaabka ay ku yeelatay intaba.

Somalia_Missing_Amanda LindhoutKooxaha Afduubtay ayaa lasheegay in ay gacan saar laleeyihiin xoogaga Islaamiyiinta ah oo iyagu aaminsan in gabdhaha ay ku qabsadaan dagaalada ka socda Soomaaliya ay u yihiin xalaal oo ay adoonsan karaan, maadaama ay ku qabsadeen Jihaad.

 

Dhinaca kale culimada waaweyn ee Soomaliyeed ayaa diidey in dagaalada ka socda Soomaaliya lagu magacaabo oo lagu sheego Jihaad, ayna xaaraan tahay dadka la banaysanayo dhiigooda, maalkooda iyo sharaftooda.

Ilo ku dhawdhaw xaalada gabadhan Kanadiyanka ah Amanda Lindhout ayaa sheegaya in ay dhashay wiil Maalintii Sabtiga ahayd, loona bixiyay magaciisa USAMA.

Warkan ayaa waxaa laga soo wariyay Islaantii gurigeeda ku Umulisay gabadhan u dhalatay wadanka Kanada, iyadoona sheegatay in ay Nabad qabeen Gabadha iyo Canugeeda, marki ay dhashay kadibna ay kaxeysteen kooxdii dableyda aheyd ee u keentay.

Dowladda Canada ayaa dhagaha ka furaysatay in ay bixiso lacagta madax furashada ah ee loo haysto gabadhaasi, waxaana hada soo kordhay xaaladan cusub oo ah wiil ay dhashay oo aan la ogayn inay qaadan doonto marka laga bixiyo lacagta madax furashada ah iyo in laga reeban doono Canugeeda.

Amanda-lindhout-from-canada

23-kii August 2008 ayay ahayd markii Amanda Lindhout, Nigel Brennan iyo C/fataax Cilmi oo warbixinno ka diyaarinayay dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ay afduubteen kooxo hubeysan, kuwaasi oo ugu dambeyntii dalbaday lacag madax furasho ah oo ay ku sii daayaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: