War muhiim u ah Soomaalida degan wadanka UK.

Halkaan ka akhri

Waraysi lala yeelanayo talo bixiye Soomaali ah Hana osman gaar ahaan u eegid sida ay The Careers Advice Service ula shaqayso bulshada Soomaaliyeed.

  Loogu talogalay Khamiis 2-da Luulyo 2009

 Dadka soo wacaa waxay kaloo ay heli karaan talosiin xirfadeed iyo warbixin ku saabsan shahaadooyinka (qualifications), lacagta koorsooyinka iyo daryeelka caruurta waqtiga waxbarashada.Dadka soo wacaa waxay heli karaan warbixin ku saabsan koorsooyinka ay baran karaan ama inay kor u qaadaan xirfadooda luqada Ingiriiska.

WARAYSI LALA YEELANAYO TALOBIXIYE SOOMAALI AH: HANA OSMAN

Gaar ahaan u eegid sida ay The Careers Advice Service ula shaqayso bulshada Soomaaliyeed

S. Maxaa loo sameeyey The Careers Advice Service?

J: Shaqada hay’ada The Careers Advice Service waxaa loogu talo galay dadka waaweyn ee doonaya inay helaan warbixin, talosiin iyo hagid ama tilmaamidba telefoon, internet, email iyo boostaba.

Ujeedada shaqada hay’adani waa inay awood u yeeshaan dadka waaweyni inay wax ka qabtaan sidii ay u horumarin lahaayeen noloshooda iyo tan bulshadaba, iyadoo laga caawinayo inay sameeyaan doorashooyinkooda waxbarasho iyo shaqo lana siinayo warbixin qiimeheedu sareeyo oo dhexdhexaada, talosiin iyo hagitaan ama tilmaamid.

S. Maxay qabataa The Careers Advice Service?

J: Shaqada ay hay’adu qabato waxay u furan tahay bulshooyinka oo dhan iyo dadka waaweyn ee da’doodu tahay 19 jir iyo wixii ka weyn ee doonaya inay helaan warbixin, talosiin iyo hagid ama tilmaamid la xiriirta waxbarashada, shaqada, lacagta koorsooyinka iyo daryeelka caruurta waqtiga waxbarashada.

Hadaan ahay talobixiye laynka caawinta Soomaalida, waxaan dadka na soo waca u sameeyaa baadhitaan. Tusaale ahaan, hadii qofka na soo wacay uu doonaya inuu barto ESOL, Xirfada kombiyuutarka (IT), Lambarada, Luqada iwm, waxaan siiyaa faahfaahin ku saabsan rugaha waxbarasho ee meesha uu degan yahay ku yaala iyo lambardii uu kala xiriira lahaa. Laynka Soomaalida waxaan kaloo sameeyaa inaan ku xiro dadka na soo waca rugaha waxbarasho hadii ay ku adagtahay inay luqada Ingiisika si fiican ugu hadlaan. Hadii ay u baahan yihiin talosiin xirfadeed ama lacagta waxbarashada talosiinteeda waxaan u gudbiyaa talosiiyaha waxbartaha (Learner Adviser) ama tababaraha xirfadaha (Career Coach) hadii ayan hubin xirfada ama waxa ay doonayaan inay bartaan. Tababaraha xirfadu wuxuu ku caawin karaa isagoo ku siinaya tilmaan ama hagid, si ay ugu fududaato qofka inuu go’aan gaaro.

S. Yaa loogu talogalay inay wax u qabato The Careers Advice Service?

J: Laynka caawimada Soomaalida ee The Careers Advice wuxuu qabtaa shaqo khaas ah taasoo u ogolaanaysa xubnaha bulshada Soomaaliyeed inay la hadlaan talobiye si ay u helaan warbixin iyo talosiin iyagoo ku hadlaya luqadooda.

Dadka soo waca ee wata shahaadooyinka ay waddan kale ka soo qaateen waxay heli karaan warbixin ku saabsan sidii loogu bedeli lahaa shahaadooyinkooda qiimaha ay u dhigmaan ee UK.

Dadka soo waca ee doonaya inay codsadaan joogitaanka rasmiga ah (Indefinite leave) ama dhalashada Britishka waxay heli karaan warbixin ku saabsan imtixaanka ku noolaanshaha UK (life in the UK test) iyo jidka loo maro qaadashada dhalashada.

Dadka soo wacaa way la xiriira karaan laynka caawimada marka uu xiran yahay iyagoo isticmaalaya qaabka maasayjka (messaging) iyagoo war u dhaafaya la talayaha si uu dib ugu soo waco.

S. Sidee bay gaar ahaan u caawisaa bulshada Soomaaliyeed?

J: Macaamiishayadu waxay soo wacaan laynka caawimada ee Soomaalida gaar ahaan iyagoo uga mahadnaqaya lataliyayaasha luqadaha kala duwan warbixita dhamystiran ee ay ka siiyaan imtixaanka ku noolaanshaha UK (Life in the UK test).

Bulshada Soomaalidu waxay qirtay faa’iidada Qaybta isku xirka telefoonka iyo sida ay qaybtani ugu sahashey inay iska diiwaan geliyaan ama iska qoraan kalaasyada luqada Ingiriisida si ay kor ugu qaadaan luqadooda ingiriiska.

Dad haysta shahaadooyinka ay wadamada kale ka soo qaateen ayaa nala soo xiriiray waxaanuna awood u yeelanay inaanu u tilmaano UK Nordic Service si ay u ogaadaan sidii ay shahaadooyinkooda ugu bedelan lahaayeen qiimaha ay UK ka leeyihiin. dabadeedna ay shaqo tagaan oo ay UK xirfad ku yeeshaan.

S. Maxaad u malaynaysaa inay yihiin caqabadaha ama dhibaatooyinka ka hor taagan xubnaha bulshada Soomaaliyeed inay soo wacaan the Careers Advice Service?

J: Xubnaha bulshada Soomaaliyeed qaarkood ma awoodaan inay ku hadlaan luqada Ingiriisida ama si fiican uguma hadlaan sidaa daraadeed ma laha kalsoonidii ay ku wici lahaayeen The Careers Advice.

Waxa laga yaabaa in bulshada Soomaaliyeed ay u malaynayso in The Careers Advice lagula hadli karo luqada Ingiriisida oo keliya. waxa laga yaabaa inayan war ka hayn inay suuragal u tahay inay fursdaha kala duwan ee waxbarasho ay bulshadooda dhexdooda ka heli karaan.

Waxa laga yaabaa in ayan bulshada Soomaalidu war u hayn wax u qabashada khaaska ah ee uu laynka caawimada Soomaalidu uu u fidiyo ama ay ka heli karaan.

Waxa laga yaabaa inayan bulshada Soomaalidu ogayn in laynka caawimada Soomaalidu uu yahay layn telefoon oo bilaash ah iyo in warbixinta iyo talosiintuna ay bilaash yihiin, qarsoodi ah (confidential) oo dhexdhexaada ah.

S. Talo nooceeya ayaad bixisaan?

J: The Careers Advice Service waxay talosiinta bixisaa sanadka oo dhan, shaqadaa khaaska ee aan qabano waxay u ogolaanaysaa xubnaha bulshada Soomaaliyeed inay

la hadlaan la taliye kulana hadlaan afkooda hooyo ayna heli karaan warbixinta in ku dhow malyuun koorsoooyin. laga bilaabo barashada ama kor u qaadida luqada ingiriiska, terabiga qurxinta (beauty therapy), kalkaaliye caafimaad, tuubiiste ama haduu xitaa qofku rabo inuu ganacsi gaara oo isagu leeyahay furto. Haday u baahan yihiin talosiin xirfadeed ama lacagta waxbarashada talosiinteeda ama ayan hubin xirfada ay yeelan lahaayeen ama waxay baran lahaayeen, waxaanu haynaa la taliyayaal tabobaran oo ka caawin kara ama tilmaami kara si ay ugu fududaato inay go’aan gaadhistu u fududaato.

S. Dad fara badan oo kala duwan miyaa idin soo waca? Sida; Hooyooyinka, dhalinyarada, dadka da’da ah iwm?

J: Haa, waxa jira dad fara badan oo kala duwan oo naga soo waca bulshada Soomalida oo da’doodu kala duwan tahay, dhaqan ahaana kala duwan, xaalado kala duwana ku jira. Kuligood way heli karaan warbixinta iyo talosiinta waxbarashada, xirfadaha, ilaha dhaqaalaha koorsooyinka iyo daryeelka caruurta waqtiga waxbarashada.

S. Maxaa caawimooyin ah oo kale oo aad haysaan?

J: Qaybta luqadaha ajaanibta waxay samaysaa progaraamyo lagula kulmayo ama lagu gaadhayo bulshada, taasoo uu sakaalka wadashaqaynta bulshadu (community liaison officer) uu booqdo bulshada Soomaaliyeed oo uu ku wacyi geliyo oo u sharaxo shaqada laynka caawimada ee Soomaalida wuxuuna qaybiyaa qoraalo bilaash ah oo Soomaali ku qoraan oo qeexaya waxa aanu qabano.

S. Ma sheegi kartaa tusaale ku saabsan dad aad caawiseen?

J: The Careers Advice Service waxay talosiinta ku bixisaa afafka kala duwan sanadka oo dhan, shaqadaa khaaska ee aan qabano waxay u ogolaanaysaa xubnaha bulshada Soomaaliyeed inay la hadlaan la taliye kulana hadlaan afkooda hooyo ayna heli karaan warbixinta in ku dhow malyuun koorsoooyin. laga bilaabo barashada ama kor u qaadida luqada ingiriiska, terabiga qurxinta (beauty therapy), kalkaaliye caafimaad, tuubiiste ama haduu xitaa qofku rabo inuu ganacsi gaara oo isagu leeyahay furto.

La taliyayaasha waxay kaloo u soo diri karaan dadka soo waca qoraalo bilaash ah oo ku qoran Soomaali oo sharaxaya waxaanu qabano iyo sidoo kale Joornaalka layn aragtiyeedyada cusub (New Horizons magazine), taasoo siinaysa nasteexo iyo talosiin dadka waaweyn ee waxbaranaya.

The Careers Advice Service qaybteeda Soomaalidu waxay furan tahay

Isniinta ilaa Jimcaha laga bilaabo 9ka aroornimo ilaa 5ta galabnimo,

Hadaba soo wac 0800 093 1555 maanta.

DHAMAAD

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: