Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka warbixiyay Sababta ay ugu wareejiyeen Al-Shabaab Labadii Nin ee Faransiiska ahaa.

xasan-daahir

Halkaan ka akhri

Hogaamiyaha Mucaaradka Sheikh Xasan Daahir Aweys oo wareysi qota dheer siiyay Shalay wargeyska Asharqul-Awsad ayaa sheegay in la heystayaasha Faransiiska ah markii hore gacanta ururkiisa la soo galiyey laakin uu ku wareejiyey Al-Shabaab si loo baajiyo dagaal ka dhex dhici lahaa labada Urur ee Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa halis u galay in ay qoryaha isu qaataan in aan kala badbaadiyaana u arkay in Al-Shabaab aan u tanaasulo xiligaan adag hadana waxaa ay u madax banaan yihiin talaabta ay qaadayaan” ayu yiri Sheikh Xasan Daahir Aweys.

“Anagu madooneyno in dhibaato kale ay kadhex dhacdo Mujaahidiinta dhexdooda, sidaa daraadeen xalka ayey noqotay in ay Al-Shabaab labada Nimba la wareegaan, hadana iyagaa gacanta ku haya, ayageyna jirtaa waxa ay kayeelayaan” ayuu ku celiyay Sheikh Xasan Daahir.

Sheikh Xasan Daahir oo la qorshaynayay inuu dhawaan aado magaalada Qaahira si uu wax uga badalo mustaqbalkiisa Siyaasadeed ayay arintani ku noqon kartaa dhabar jab lasoo gudboonaada, waxana waraysigiisa laga dhadhansanayay inuu kala doortay Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aan isaga u ogolayn wax hogaan Siyaasadeed ah iyo beesha caalamka oo sidoo kale aan u ogolayn hogaanka uu doonayo oo ah Madaxweynenimo.

Wargeyska ayaa waxaa uu qoray in kooxda Al-Shabaab ay hareereeyeen guriga Sheikh Xasn Daahir uguna hanjabeen in ay xoog ku galayaan hadii aysan soo dhiibin Ninka labaad sidaa daraadeedXasan Daahir waxaa uu go’aan saday inuu raali galiyo Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: