Pro. Maxamed Cumar Dhalxa oo ku tilmaamay dagaalada Muqdisho kuwo looga soo horjeeda Dadka ka soo jeeda gobolada koofureed.

dhalxa2

Halkaan ka akhri

Gudoomiye K-xigeenka Baarlamaanka KMG Soomaalliya Pro Maxamed Cumar Dalxa ayaa dagaalada Muqdisho ka sii soconaya waxa uu ku tilmaamay kuwo looga soo horjeedo dadka ka soo jeeda gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya.

Pro. Maxamed Cumar Dalxa oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay rabshadadaha ka soconaya Magaalada Muqdisho taas oo ay ku barkeceen shacab farabadan oo degenaa degmooyinka ay saameeyeen rabshadahaasi.

Sidoo kale Profesoorka waxa uu dusha ka saaray eeda rabshadahaas in ay ka danbeeyaan dad ka soo horjeeda in xaalad degenaansho ah ay ku noolaadaan dadka degen gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, wuxuu sheegay in taasi ay ahayd qorshe soo jiitamayay tan iyo xiligii dagaalkii 1977-dii.

Pro. Maxamed Cumar Dalxa wuxuu in taa uu raaciyey in qorshaas loogu gogol xaarayay degenaansho la’aanta ilaa iyo haatan ka taagan gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya,inkastoo uu sheegay in dadkaasi aysan wali ku soo bararugin dadka sii hurinaya degenaansha la’aanta.

Dhinaca kale waxaa wax laga weydiiyay qilaafka ka taagaan Maamulka Isbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaalada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee goalaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri. “waa arrin laga xumaado in ay soo ifbxdo qilaaf ku saabsan goob caafimaad iyo goob waxbarasho waxay ka mid yihiin goobaha adeegyada bulshada,arrinta qilaafka Isbitaalka waxa ay tahay mid ku haboon in si hoos ah loo dhameeyo oo aan laga shaacin Idaacadaha ayna tahay in ay dhameeyso wasaarada Caafimaadka”.

Si kasta ha ahaatee hadalka Gudoomiye ku xigeenka ayaa imaanaya xilli dhawaan taliska Booliska Soomaaliyeed uu sheegay in xilka uu  ka qaaday agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina, inkastoo agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina uu arrintaasi gaashaanka u daruuray.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: