Laba Diyaarad oo kuwa Qumaatiga u kaca ah oo dul heehaabaya xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu arkayay labo diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ah oo dul wareegayay xaafado katirsan gobolka Banaadir.

Diyaaradahan ayaan la aqoon halka ay kasoo keceen iyo wadanka iska leh, waxaase loo badaniyaa in ay yihiin kuwo wadanka Faransiiska ah oo baadigoob ugu jira laba Sarkaal oo lagu haysto magaalada Muqdisho.

Diyaaradahan ayaa waxaa ay si gaar ah ugu dul wareegayaan xaafadaha ay gacanta ku hayaan kooxaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya, gaar ahaan xaafadaha  ku teedsan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujiyey diyaarahan ku dul wareegaya, iyagoo awalba quus ka joogay kooxaha ku dagaalamaya awooda dalka Soomaaliya.

Todobaadkii tagay ayey aheyd markii ay kooxo hubeysan Hotelka Sahafi ka afduubteen 2 Nin oo lasheegay in ay ahaayeen Saraakiil kasocotay Sirdoonka Faransiiska oo Soomaaliya u yimid in ay ciidamo u tababaraan dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: