Dowladda Bahrain oo ugu baaqay dalalka Carabta iyo Islaamka in Soomaaliya ay ku tageeraan sidii ay u soo ceshan lahayd Qaranimadeeda.

Somali & English

 Halkaan ka akhri

Mudane Salaax Cali K/xigeenka Gudoomiyaha Barlamaanka dalka Bahrain ahna matalaha Golaha xukumada dalkaas, ayaa waxa uu kulan kula qaatay xafiiskiisa oo ku yaala magaalada Manama ee dalkaas, Mudane C/casiis oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo madaxa Jaamacada Muqdisho Dr. Cali Sheikh Axmed.

Kulankaan ayay masuuliyiinta badan uga hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo mashaariiicyo lagu hormarinayo Siyaasadda.

Sidoo kale waxaa kulankaan farta la iskula goday qaabkii xaalada Soomaaliya ay iminka ku jirto wax looga qaban lahaa iyo sidii sare loogu qaadi laha xiriirka labada Barlamaan ee ay wadagaan Soomaaliya iyo Bahrain .

Dr. Salaax Cali ayaa waxa uu inta badan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay arrinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan  xaaladda  dagaalada ka socda, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la tixgaliyo maatada lagu dul dagaalamayo lana joojiyo dagaalka.

Dhinaca kale  Dr. Salaax wuxuu ugu baaqay kooxaha isku haya Siyaasada Somalia in ay ku soo biraan miiska wada hadalka si markaasi looga saaro dadkooda xaalada ay iminka ku jiraan, loogana hortago faragalin shisheeye.

Sidoo kale wuxuu Barlamaanada dalalka Jaamacada Carabta iyo kuwa Islaamka ugu baaqay in ay Soomaaliya ku tageeraan sidii ay u soo ceshan lahayd sharafteedii iyo Qaranimimadeedii ka luntay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

BAHRAIN AND SOMALI PARLIAMENTS DISCUSSED THE SITUATION OF SOMALIA

Manama, Bahrain – The Second vace Chairman Of the Representatives council Dr Salah Ali Received At His office here today vice Chairman of Somali parliament Abdiaziz  and  Moqadishu University Chairman Dr Ali Sheikh Ahmed

They discussed bilateral cooperation ties and ways of developing them, the meeting also focus on the condition in Somalia And parliamentary ties Between both countries

Dr Salah Ali Expressed Regret over the continuous violence in Somalia, here requested the Somali Groups to make reconciliation in order to spare their people further sufferings and protect the country from foreign Intervention

He Also Called on Arab And Islamic Parliaments to Support Somalia’s Unity, Rehousing And Security

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: