Dowladda Faransiiska oo sheegtay inay doonayso inay wadahadallo la gesho islaamiyiinta Afduubtay Muwaadiniinteeda.

Claude John

Halkaan ka akhri

Masuul sare oo ka tirsan la Xafiiska Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladiisu Go’aansatay inay Wada hadal la gesho Xoogaga Islaamiyiinta ee Afduubtay 2dii Sarkaal ee ka tirsanaa Sirdoonka Faransiiska ee laga watay Hotelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho.

Claude John oo ka mid ah  la Taliyayaashaa Madaxweynaga  ayaa u sheegay Wariyayaal ka tirsan Idaacadda European 1 wuxuuna yiri: “Anagu waxaan si cad u Shaacinay oo aan ugu sheegnay Kooxaha la Aaminsan yahay inay Haystaan Muwaadiniintayadda, in annagu Diyaar u nahay inaan la hadalno islaamiyiinta, iyaga ayaan Jawaab ka sugaynaa”.

Mas’uulkan ayaa wuxuu intaa ku daray ee uu yiri: “si kasta oo ay ahaataba anagu Fariimo ayaan is-weydaarsanay Kooxaha la aaminsan yahay inay haystaan ee loo yaqaano Al-Shabaab, balse iyaga marna kamaanan helin Jawaab”.

Claude John ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay heshay Macluumaad sheegaya in Saraakiisha laga haysto ay Wali Nool yihiin isla markaana ay aaminsan yihiin in si wanaagsan loola dhaqmo.

Sida la wada ogsoon yahay Taddobaadkii hore ayay ahayd markii dabley hubaysani ay si xeeladaysan uga soo afduubteen Saraakiishaasi Hotelka Saxafi oo ku yaala meel ay si weyn ugu xooganyihiin Ciidamada DKMG ah iyo waliba kuwa AMISOM, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xoogaga Xisbul Islaam iyo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin oo ku aadan Warka ka soo baxay Dowladda Faransiiska.

SomaliSwiss      Baris

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: