Afahayeenka Ciidamada AMISOM Barigye Ba-Hoku oo sheegay in ay Tagi karaan meel walba oo wadanka Soomaaliya ah.

Afhayeenka  AMISON

Halkaan ka akhri

Barigye Ba-Hoku oo ah Afahayeenka Ciidamada AMISOM  ayaa u sheegay Warbaahinta Gudaha  Soomaliya ka howl gesha in AMISOM aysan ku ekaan doonin Dekadda, Madaxtooyadda iyo Garoonka, balse ay Tagi karaan Meel kasta oo Dalka Soomaaliya, Min Raas Caseer iyo Raas Kambiyooni.

Afahayeenka Ciidamada AMISOM  Ba-Hoku ayaa sheegay in Mandateka ay haystaan uusan u sheegayn oo kaliya inay Goobahaasi iska joogaan balse uu fasax u siinayo
inay Tagi karaan Meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya.

Sidoo kale Barigye Ba-Hoku oo ka hadlayey dagaalkii shalay wuxuu yiri: ”Ma aha oo kaliya Ciidamadda AMISOM inay ku Egyihiin Dekadda iyo sidoo kale Airoporka Madaxtooyadda, Hase ahaatee Waxaan Tagi karnaa Meel kasta oo ka mid ah Dalka Soomaaliya, Ma ah mid nagu Khaldan inaanu Tagno xataa Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo”.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Sheikh Cali Maxamuud Raage oo xalay khadka Talephone-ka Shir Jaraa’id Saxaafada Muqdisho ugu qabtey ayaa sheegay inay Dagaal waji Cusub leh uu Bilowday kaas oo u dhaxeeya waxa uu uga yeeray Mujaahidiin iyo AMISOM, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Dagaalkaas oo ah Waji cusub oo Mujaahidiintu mudooyin badan sugayeen inuu sidan isu bedeli doono waxaan Ilaahey uga mahad celineynaa nooga guuleeyay kuwii hore ee Murtadiinta ahaa halkaa Inshaa Allah waxaa ku dhamaadey Dagaalkii hore ee Murtadiinta keligood ahaa waxaana bilowdey Dagaal cusub oo u dhaxeeya calooshood u shaqeystayaasha AMISOM ee Nasaarada asalka ahaa iyo Mujaahidiinta dhexdooda”.

Dhanka kale Hadalkan ayaa muujinayo in Dowlado ka mid ah Midowga Afrika ay dardar gelinayaan sidii Ciidamada AMISOM u helaan Awood dheeri ah oo ay Dagaaladda Muqdisho kaga Qeyb gasho, sidoo kalana lagu soo kordhiyo Ciidamo kale oo la gaarsiiyo 8 kun oo askari.

Si kasta ha ahaatee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaaladda Muqdisho ayaa shalay ka qeyb galay Dagaalkii ka dhacay Degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan inkastoo ay Beeniyeen hadana ilo madaxbanaan ayaa xaqiijiyay inay uga Qeyb galeen Taangiyo gaaraya 4 xabo kuwaas oo xalay dib ugu Laabtay barta cusub ee ku yaalla Baar-fiat ee degmada C/casiis.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: