Tartan sanadeed oo uu soo diyaariyey Dugsiga Al-Nuur oo loo qabtay Dhallinyarada Soomaalida Magaalada Zürich ee Dalka Switzerland.

cayaaraha zurich.4

Daawo Sawirada kale

Halkaan ka akhri

cayaaraha zurich.1

Waxaa Shalay oo Axada ahayd Magaalada Zürich ee Dalka Switzerland ka dhacay Ciyaaro iyo damaashaad ee soo qaban qaabiyey Dugsiga Alnuur, waxaana kaalin xoog badan ka geystay Waaladiinta Ardeyda wax ka Barata dugsigaas oo muujiyey dadaal iyo juhdi xoog badan.

P7110205P7110214Goobta la isugu yimid oo lagu dhigayey Munaasabaddaas oo ahayd meel aad u heer Sareysa ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ciyaaro kala duwan sida Ciyaarta Kubbada Cagta oo ay isaga horimaadayey Koox Ciyaartoy dhallinyaro iyo Kooxo kale Caruurta yaryar ah.

Munaasabadan oo ahayd mid ay Soomaalida ku nool Kantoon Zürich ay iku arkayaan Sanadkii hal mar ayaa  waxaa ka soo qayb gala dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, Waaladiinta iyo Caruutooda.

P7110228P7110230Dhallinyaradii ku Baratamaysay Ciyaarta Kubbada Cagta ayaa  waxaa loogu talagay ee goobta la keenay Koob loogu magac-daray Koobka Munaasabadaha Is araga  Soomaalida.

Koobkan ayaa waxa si xirfadaysan ugu tartamay 4 kooxood oo dhallinyaro Soomaali ah, sidaas darteed Ciyaarahan waxay ahaayeen kuwo xiiso iyo xaamaasad badan ku abuurtay dadkii u soo daawasho tagay.

P7110222P7110224Xafladda Munaasabad Sanadeedkan ayaa waxaa barbar socday Howlo kale  oo kaalin muuqata ka qaatay Walidintii, gaar ahaan Hooyooyinkii la socday Caruurtooda, kuwaas oo  doonayeeninay daawadaan habka iyo hannaanka ay u ciyaarayaan Caruurtood, sidaa aawgee waalidiinta waxaa Wijigooda ka muuqday farxad iyo reynreyn.  

Markii ciyaarta ay dhammaatay kadib, waxaa halkaas lagu gudonsiiyay Cayaartoydii ka soo qayb gashay ee muujiyey xirfada iyo ciyaar-wanaag bilado iyo koobab ee ay ku kala muteysteen Kaalinta 1aad, 2aad iyo 3aadba, waxaana Amaan mudan sida habsamida leh ee ay dadkii u soo daawasho tagay munaasabadda Toddobaadka Soomaalida Zürich ee ay u dhowreen nidaamka goobta iyo kala dambeynta.

Waxaa kaloo munaasabadan howl dulqaad badan ka muujiyay dadka magacyadoodu hoos ku qoran, waxaana ka mid ah:  Sacad Suuban, Ali Jimcaale,Mohamed shariif ,Abdirahmaan Abuukar, Mustaf Bashir.

 Si kasta ha ahaatee Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa faaqidaada Ciyaartii ka hacaygobolka Zurich ee wadanka Switzerland oo Maanta oo Axad ah ay ka dhacday magaalada Zurich, iyadoo Ciyaartaasi la furay 11:00 aroornimo.

P7110220Ciyaarihii Maanta ayaa waxaa lagu bilaabay oo fooda is daray labada kooxood ee kala ahaa: Zurich & LLPP.

Ciyaarta ayaa noqotay mid ay usoo daawasho tagaan dadweyne aad u fara badan oo si aad ah uga maqsuuday Ciyaarihii Maanta dhexmartay kooxihii iska horyimid.

Dadweynihii daawanayay Ciyaarta Maanta ayaa qaarkood sida ay u jecleysteen Ciyaarta darteed sidii ay u daawanayeen is iloobay oo garoonka dhaxdiisa laga soo celiyay.

P7110232P7110214Haddii aan u gudbo Ciyaarta Maanta dhex martay Kooxaha Zurich iyo LLPP ayaa marka hore waxaa ay isku qaadeen weerer iyo weerar celis , ciyaarta 40-ka daqiiqo ee hore ayaa waxaa leysla dhaafiwaayay 3-3 bar-bardhac.

Si kastaba ha ahaatee waxaa markii la isku soo nastay kadib, Ciyaartaasi 7–5 loogu awood sheegtay kooxdii LLPP oo looga badiyay 7 gool.

P7110231Dhinaca kale waxaa misna isla markiiba bilowday Ciyaartii iyana la sugayay ee ay ciyaari lahaayeen labada kooxood ee kala ah Al-aamim iyo Qaran, markii ciyaarta ay bilaabatay ayaa waxaa fooda is daray labada kooxood, kuwaasoo ay horay xifaaltan dheer uga dhaxeysay oo ay hada kahor Ciyaar lagu maamusayay 1 Lulyo oo loo dhigay labadan kooxood KOOB, iyadoo labada kooxood ay fiiro gaar ah isku la haayeen, bacdamaa labada kooxood ay isku ciil qabeen, iyadoo Maantana ay ka dhur sugayeen dadweynihii daawanay natiijada ciyaarta kala baxa labada kooxood.

P7110200Ugu dambeyntii waxaa loo awood sheegtay kooxda Qaran oo ay kooxda Al-aamin uga badisay 1-3.

Waxaa ciyaarta kaalinta 3-aad u tartamay labada kooxood ee kala ah Qaran & LLPP oo labaduba laga soo badiyay waxaa ayna ku kala tageen ama lagu kala badiayay 4-3.

Ciyaarihii Maanta Finalka ayaa waxaa isku soo haray Zurich & Al-aamin oo iyaguna markii ay isla dhaafi-waayeen 3-3.- Kadib rigoorayaal loo dhigay waxaayna ku kala baxeen 3-4, taasoo kooxda Zurich looga badiyay 4 gool.

Halkaasi waxaa koobkii Maanta loo dhigay Munaasabada Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Zurich guusha ay ku raacday (Kooxda Al-aamin).

Gool-dhaliyayaasha sida ay kala ahaayeen:-

1) Ali Salaad 2-gool

2) Iif 2-gool

3)dario 2-gool

4) Xasan Qaran 2-gool

5) Maxamed

6) Maxamed Yuusuf 2-gool

7) Maxamed Cali 1-gool

Waxaa soo Diyaariyey  Axmed Dhicisow iyo C/llaahi Shuuriye

SomaliSwiss Zurich

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

cayaaraha zurich.1cayaaraha zurich.4cayaaraha zurich.5cayaaraha zurich.2cayaaraha zurich.3cayaaraha zurich

%d bloggers like this: