Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed oo Booqasho ku tagay dalka Ethiopia.

sheekh-shariif-zenawi

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa Shalay gaaray gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, isagoo ka yimid dalka Djibouti oo uu kulan kula soo qaatay madaxweyne Isma’il Omar Gele.
 
DSC00137

Booqashada madaxweyne Sheikh Shariif ee dalka Ethiopia ayaa kusoo beegmeysa xili dowladiisa ay dhowaan codsatay in wadamada deriska la ah Soomaaliya iyo caalamka in ay soo fara geliyaan dhinac walba.

Lama oga waxa ay ka wada hadli doonaan madaxwyne Sheikh Shariif iyo Meles Zanawi oo ciidankiisa ay dambiyo dagaal ka galeen Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa kaloo la filayaa in madaxweyne Sheikh Shariif uu halkaas kula kulmo u qaybsanaha Maraykanka arimaha Soomaliya Johnnie oo horay usii joogay dalka Ethiopia.

Dowladda Maraykanka ayaa horay u sheegtay in ay Ethiopia kula taliyeen in aysan faragalin dambe ku samayn arimaha gudaha Soomaaliya si uusan u sii fogaan xalka Soomaaliya, inkastoo dowladda Soomaaliya ay xiligaan ay u yeeratay ciidamada Ethiopia in ay soo galaan gudaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: