Shir Balaaran oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadaha Soomaalida ku dhaqan Switzerland oo lagu qabtay magaalada Bern.

shirka bern

Daawo Sawirada kale

Halkaan ka akhri

 

shirka bern

Soomaalida ku dhaqan wadankan Switzerland ayaan intooda badan laheyn wax xuquuq Qaxootinimo ah ama aanan helin xuquuqihii ay lahaayeen Qaxootiga kasoo barakaca wadamada ay dagaaladu halakeeyeen, sidaasi darteed dadka Soomaaliyeed ee dalkan Swiss-ka kunool ayaa aad uwada mudooyinkii danbe sidii Soomaalida loogu ogolaan lahaa Qaxooti dhab ah, iyadoo Qaxootigii ugubadnaa oo Soomaali ah ay soo galeen wadankan Swiss-ka sanadkii 2008, markaas oo ay Switzerland sidhab ah uqaateen nidaamka Dublin iyo Shengen.

shirka bern1

Shir aad ubalaaran oo ay isugu yimaadeen inta badan Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Switzerland, ayaa Shalay waxaa uu ka dhacay caasimada dalka Switzerland ee Bern.

Shirkaasi ayaa waxaa soo agaasimay Jaaliyada magaalada Bern, waxaana looga hadlayay arimo badan oo ay kamid ahaayeen, Qaxootiga Soomaalida cusub ee magangalyo doonka ah iyo xuquuqaha ay leeyihiin Soomaalida ku dhaqan wadankan Switzerland.

Shirkan laguqabtay Magaalada Bern, ayaa waxaa inta badan looga hadlayay sidii mudaaharaadyo aad u balaaran looga sameyn lahaa Wadankan Switzerland, wexeyna Jaaliyadaha Shirkan isugu yimid isku raaceen in ay sameyn doonaan Mudaharaadyo aad u waaweyn oo ay kadhigaan gobolo badan oo kamid ah wadanka Switzerland, inta Qaxooti dhab ah loogu aqoonsanayo.

shirka bern2

Shirkaasi ka dhacay magaalada Bern ayaa gudiga soo abaabulay waxaa kamid ah Gudoomiyaha Jaaliyadda martida loo ahaa ee Bern, Mr. Aadam Ibrahim, Mr. Bashiir Abdulkadir, iyo Xoghayaha abaabulka Shirarka Abdisalaam Aadam Barkhadle, waxaana aad loo amaanay sidii uu udhacay kulankaasi qiimaha badnaa.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kahadlay Gudoomiye kuxigenka Jaaliyadda Kanton Zurich Mr. Bashiir Abdulkadir (Bashiir Carab) kaasoo si aad ah loola dhacay fikradihii uu soo ka jeediyay kulankaasi.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Jaaliyadda Kanton Aarau Mr. Mukhtaar oo dhab ahaantii amaan u jeediyay dhamaan Soomaalida ku dhaqan wadankan Switzerland, sida ay uga wada mideysan yihiin qadiyada dhinaha Sharciga iyo isku xirnaanshahooda.

Waxaa kaloo kulankaasi kahadlay Jaaliyadaha Kantoonada St. Gallen, Wallis, Neuchatel, Uri, iyo Jura. Waxaana Shirkaasi la’isku afgartay in Banaanbax aad ubalaaran laguqabto Magaalo madaxda Switzerland ee Bern.

SomaliSwiss Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: