Sarkaal sare oo katirsanaa howlwadeenada Isbitaalka Madiina oo Maanta ku geeriyoodey gudaha magaalada Muqdisho.

Cali Cade Isbital madina

Halkaan ka akhri

Cali Cade Isbital madinaAllaha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xuseen (Cali Cadde) oo ka mid ahaa Saraakiisha ama howlwadeenada Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku geeriyooday Maanta Gudaha Isbitaalka Madiina.

Allaha u naxariistee geerida Cali Maxamed Xuseen (Cali Cadde) ayaa ka dambaysay sida lasheegay, kadib markii uu Xanuun uga soo boday dhinaca Wadnaha waxaana daqiiqado kadib markii saalada Isbitaalka loola cararay uu halkaasi ku geeriyooday.

Ispitaalka Madiina

Allaha u naxariistee dhimashada  Cali Cadde ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere), waxaana uu sheegay in marxumka maydkiisa uu hada yaalo gudaha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Cali Cadde waxaa uu si weyn uga soo qeyb qaatay dadaaladii lagula tacaalayay dadkii ku waxyeeloobay dagaalada aan joogsiga laheyn ee ka socda Magaalada Muqdisho ee la geyn jiray Isbitaalka Madiina.

Marxuum Cali Cade waxaa uu ahaa nin si weyn uga warbixin jiray wararka ku saabsan Dhaawacyada la geeyo Isbitaalka Madiina una Xaqiijin jiray Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan Caalamkaba.

Allaha u naxariistee Marxuum Cali Cade ayaa waxaa geeridiisa ay naxdin ku beertay inta badan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shaqaalaha iyo dhaawacyada jiifa Isbitaal Madiina.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: