Saraakiisha Al-Shabaab oo ku goodiyay in ay dili doonaan Saraakiisha iyo Maleeshiyaadka kusoo biiray Xisbul Islaam.

isugaarsiga islaamiyiinta

Halkaan ka akhri

Saraakiisha sarsare iyo culumada Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay san cafin doonin Saraakiisha iyo maleeshiyaadkii Midowga Maxaakimta ee hada ku biiray Ururka Xisbul Islaam, waxayna sheegeen in ay ku xukuman yihiin dil meel walba oo lagu arko.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa waxaa ay sabab uga dhigeen arinkan in maleeshiyaadka hada kusoo biiray Xisbul Islaam ay ugu wacan tahay, kadib jabkii loo gaystay dhinicii ay ka tirsanaayeen ee hada aysan towbad keen run ah kusoo laaban, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxay ku hamin jireen inay nala diriraan, wayna nala dirireen, waxay naga dileen mujaahidiin badan, marka si aan ku cafino garan mayno, waxaan marin doonaa xukunka Illaahay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Ururuka Al-Shabaab.

Sarkaalka waxaa uu intaa raaciyay inuu ugu bishaaraynayo Muslimiinta in ay dhagta dhiiga u dari doonaan ragga kusoo biiray hada Xisbul Islaam.

Ma aha markii ugu horaysay oo rag kusoo biiray Xisbul Islaam ay dileen Ururuka Al-Shabaab, waxaana si wayn loo xasuustaa dilkii ay u geysteen Qataatow oo ka tirsanaan jiray saraakiishii sarsare ee Maxaakimta Islaamka, oo markii dambe ku biiray dowladda kadibna kusoo biiray Xisbul Islaam oo ay dileen ciidamada Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: