Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlay dagaalada ka soconaayo Magaalada Muqdisho.

Prof. geedi

Halkaan ka akhri

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo mar ka ahaan jiray Ra’iisul-Wasaare dalka Soomaaliya ayaa wuxuu dhaliil adag u jeediyay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axcmed .

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan imminka Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Dowladda ay lumisay fursad weyn oo ay isku difaaci kartay, taasoo ugala jeediyay inay dayacday cududii milateri ee ay uga tagtay Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf.

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Dowladda Madaxweyne Shariif waxay lumisay fursad weyn oo ay isku difaaci kartay, kadib markii ay Dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka dhaxashey cudud milateri oo isugu jirta hub iyo ciidan aad u xoogan balse ma garanayo halka ay ka baxday awoodii ay Dowladii hore isku difaaci jirtay”.

Sidoo kale Prof. Cali Geeddi ayaa waxaa uu dhaliil u jeediyay siyaasada ay ku howl gasha Dowladda, isagoona sheegay inay haatan jirin dib u heshiisiin la yagleeli karo, bacdamaa uu sheegay inay meesha ka baxeen dadaaladii dib u heshiisiinta markii Kooxaha Islaamiyiinta ay wiiqeen inta badan awoodii Dowladda.

Dhinaca kale waxaa uu ku eedeeyay Kooxaha ka wada dagaalka Soomaaliya inay yihiin kooxo uu ku sheegay in aanay dooneyn qaranimada Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in dagaalada ay ku lug leeyihiin waxa uu ugu yeeray dagaalyahano shisheeye oo dambiilayaal.

Si kasta ha ahaatee sida aannu wararku ay sheegayaan in Kooxaha Mucaaradka ay inta badan la wareegeen Magaalada Muqdisho, balse run ahaanta wararkaas lama garanayo, waayo wali ma caddo xaqiiqada wararkaasi Ra’iisul Wasaaraha ahaa Prof. Geeddi hase yeeshee hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli Gurigii uu ka deganaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada C/casiis ay u dhaceen Kooxaha Mucaaradka markii ay soo qabsadeen inta badan Deegaanada Waqooyi.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: