Dowladda Mareykanka oo mar kale ugu baaqday dowladda Burundi in ay soo dedejiso ciidamo dheeraad ah oo la keenayo dalka Somalia.

Halkaan ka akhri

 

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale baaq u jeedisay dowladda Burundi, kaasoo ku aadan balanqaad horey uga soo yeeray oo ahaa in ay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso gudaha wadanka Soomaaliya si loogu biiriyo howlgalka Amisom.

Kaaliyaha arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi waxaa uu ku sheegay inuu kala hadlay madaxda urur goboleedka IGAD arrimo la xiriira ciidamada Amisom, isagoona ku celiyay dowladdiisu in ay taageerayso ciidamada Amisom ee ka socda Midowga Afrika.

Dawladaha katirsan IGAD ayuu sheegay in ay taageersan yihiin mirihii Jabuuti marka laga reebo dowladda Eritrea oo uu ku eedeeyay in ay qeyb weyn ka tahay qaska ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa uu cadeeyay taageerada uu Mareykanka u hayo dowladda KMG Soomaaliya, isla markaana uu ka taageerayo dhinacyo badan oo kala duwan.

Mareykanka ayaa dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu siiyay lacag dhan toban Million dollar iyo sidoo kale isagoo taageero Military siiyay ciidamada Amisom oo ilaalinaya madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: