Dagaaladii Shalay ka dhacay degmooyin kamid ah Gobolka Banaadir oo Maanta ay xaaladoodu yara degan tahay.

dagaalka Mogadishu Halkaan ka akhri

Waxaa saakay degen xaalada degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG  iyo Xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Xaalada degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa saakay waxa ay tahay mid degen inkastoo shalay galinkii hore degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir uu ka dhacay dagal qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh u geystay dadka rayidka ah ee ku haray xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dagaalka Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 29 Qof oo rayid ah, halka ay inka badan 70 Qof ku dhaawacmeen, kuuwaasi oo la gaarsiiyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dagaalka Shalay ayaa burburiyay inta badan dhismayaasha guryaha, kadib markii labada dhinac ay isku adeegsadeen madaafiic aan loo mee dayin.

Dhinaca kale waxaa Saakay degen xaalada degmada Howlwadaag oo shalay galab dagaal daqiiqado qaatay uu ka dhacay, kadib markii ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ay weerar ku qaadeen fariisimo  ay ku sugnaayeen xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Sikasta ha ahaatee dhinacyadii shalay ku dagaalamay degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay kala joogaan goobihii ay ku sugnaayeen markii hore iyadoona Saakay xaaladu ay tahay mid degen.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: