Sheikh Xasan Daahir Aweys oo la sheegay in uu ogolaaday dadaal dhexdhexaadin ah oo uu wado Ururka Jamaacat Ikhwaanul-Muslimiin.

Muslim_Brotherhood_Emblem 

Halkaan ka akhri

Hamaam Saciid oo ah Kormeeraha Guud ee Urur-diimeedka Jamaacatul Ikhwaanul-muslimiin ee dalka Urdun ayaa sheegay inay doonayaan inay gacan ka geystaan sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka u dhexeeya Kooxaha hubeysan ee ka dagaalamyo gudaha dalka Somaaliya.

Website ay Jamaacatul Ikhwaanu-muslimiin ku leeyihiin barta Internetka  oo War-saxaafadeed lagu daabacay ayaa ku sheegeen inay mas’uuliyad sharci tahay in la qaado tallaabo kasta oo looga hor tegi karo inay Ciiddamo shisheeye soo galaan gudaha dalka Somalia.

Urur-diimeedkan oo ka dhisan dalka urdun ayaa  Kormeerihiisa Guud waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu xiriir la sameeyey Kooxaha Soomaalida, isla markaana uu u bandhigay dadaalka Nabadeed ee ay ku doonayaan inay ku heshiisiiyaan labada dhinac ee daaalamayo, waa  Dowladda iyo mucaaradkeeda.

Sidoo kale, Hamaam Saciid waxa uu tilmaamay inay Jawaab celintii Koowaad ee codsigooda ka heleen  Hoggaamiyaha Ururka Xisbul-islaam ee dalka Somaaliya, Sheikh Xasan Daahir Aweys, oo sheegay inuu oggolaaday tallaabadda lagu dhexdhexaadinayo Kooxaha Soomaalida, waa sida lagu  xusay War-saxaafadeedkaasi uu soo saaray Kormeeraha Guud ee Urur-diimeedka.

Waxaa kaloo War-saxaafadeedka lagu xusay inuu Hoggaamiyahaas codsaday inay Ciiddamadda Shisheeyaha ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, si ay dadka Soomaaliyeed u heshiiyaan.

Ugu danbeyntii  Kormeeraha Guud ee Urur-diimeedkaas ka dhisan dalka Urdun waxa uu Sheegay haddii ay Kooxaha Soomaalida wada oggolaadaan, ay Wufuud  gacan ka geysta sidii  loo xalin lahaa xiisadaha colaadeed ee taagan dalka Soomaaliya u soo diri doonaan.

Sourse: Jamaacatul Ikhwaanu-muslimiin 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: