Gudoomiyihii Maamulka Al-Shabaab ee gobolada Bay & Bakool oo xilkii laga xayuubiyay, iyadoo gudoomiye cusub loo magacaabay.

baydhabo

Halkaan ka akhri

Kulan Maanta ay gudaha Magaalada Baydhabo ku yeesheen xubno ka tirsan Maamulka Al-Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxaa xilkii looga xayuubiyay Gudoomiyihii hore ee Maamulka Al-Shabaab ee labada gobol Sheikh Xasan Maxamed Cali (Abuu-Eyman)

Gudoomiyaha xilka laga xayuubiyay ee maamulka Al-Shabaab u qaabilsanaa labada gobol Sheikh Xasan Maxamed Cali (Abuu Eyman) ayaa  waxaa uu goobta kulanka ka dhacey ka sheegay in wixii Maanta ka dambeeya uusan gudoomiye ka aheyn labadaasi Gobol. 

Xilkaasi Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolada Bay & Bakool ee hoos taga Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa loo magacaabay Sheikh Mahad Cumar C/kariim. 

Guddoomiyaha cusub Sheikh Mahad Cumar C/kariim mar uu isna goobta kulanka ka hadleyay ayaa waxaa uu sheegey in uu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabey isagoona balanqaadey in uu is badel uu ku sameyn doono labada Gobol, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee Sadex bil kahor ayey aheyd markii (Abuu Eyman) xilkan loo dhiibey, balse Maanta dib looga xayuubiyay, inkastoo aanay cadeyn sababaha ka dambeeya xilka qaadistiisa.

Warar ku dhow dhow godoomiyaha xilka laga xayuubiyay ee Sheikh Xasan Maxamed Cali (Abuu-Eyman) ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxda Al-Shabaab, kaasoo lagu saleeyey in uu salka ku hayo khilaafkii Abuu Mansoor iyo madaxda Al-Shabaab.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: