Wasiirka Qorsheynta oo sheegay in DKMG ay doonayso inay hesho ciidamo tababaran oo qalabeysan, kana hortago kooxaha nabad diidka ah.

cshakuur

Halkaan ka akhri

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka hadlay taageerada milateri oo ay dalbatay Dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in sababta ugu weyn ay tahay iyagoo doonaya inay ka hortagaan kooxaha ka soo horjeeda.

Wasiirku oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingriiska ayaa cadeeyay in dalabkooda ku aadan Taageerada caalamka uu yahay mid ka dhan ah kooxaha nabad diid ka ah oo qas ka wada Soomaaliya.

Hase ahaatee mar uu ka hadlay taageerada Milateri ee ay siisay Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in taasi ay ka horeysay kulamo dhex maray labada dal, ayna iskala hadlaan xaalada dalka uu marayo.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Taageerada aan dalbanay waa mid aan kala sooc laheyn, mid waxay tahay inagoo dooneyna inaan helno ciidamo tababaran oo qalabeysan, kana hortagaan kooxahan nabad diidka ee soo qalday caruurteena”.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in hadafka Dowladda KMG uu yahay dib u heshiisiin iyo in wada hadalo loogu yeero dhamaanba qeybaha Soomaaliyeed ee ka go’do talada dalka,isagoona carabaabay in dagaalada socda ay yihiin kuwo Dowladda lagu qasbay.

SomaliSwiss    London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: