Dagaal culus oo ka soconaya duleedka deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeeladda Dhaxe.

Dagaayahan

Halkaan ka akhri

Dagaal Xoogan oo aad u qaraar, la isu  adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan isla markaana u Dhaxeeya Xarakadda Al-Shabaab iyo Ciidamada Maxaakiinta Islaamka ee Garabka ku Biiray DKMG ah ayaa Saaka ka bilowday Duleedka Deegaanka Ceel-Baraf Degmadda Caddale ee Gobolka Shabeeladda Dhexe.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu yahay mid aad u xoog badan islamarkaana ay halkaasi isaga barakaceen dadkii deganaa oo u kala cararay deeganada u dhow degmad Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha.

Sida la ogyahay maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa halkaas ka dhacayay dagaalo goos goos ah lakiinse dagaalka haatan socda ayaa ka duwan kuwii hore waxaan deegaankasi ay in dhaawala xarun u aheyd kooxdii Maxkmadaha ee looga itaal roonaaday dagaalkii Jowhar ka dhacay isla markaana ay deegaankaas ka qabsadeen Kooxda Al shabaab taaso sababtay inay halkaas duulaan ku soo qaadaaan.

Ilaa iyo hadda lama garanayo Khasaaraha rasmiga ah ee labadda dhinac kala gaaray, balse ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Xabad Wiifto ah oo u soo gudubtay Gudaha Ceel-baraf ay ku dhaawacantay Haweynay Halkaasi ku sugnayd.

Si kasta ahaatee ma jiran wax war ah oo labadda Dhinac ka soo baxay, waxaan la sheegayaa in Dagaalku uu  u sii durkay meel ka fog  Duleedka Ceel-baraf.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: