Maxaa ka taqaanaa Taariikh Nololeedka Qore Sare Dr. Axmed Dhicisow.

dhicisow SAWIR

Halkaan ka akhri

dhicisow SAWIR

Taariikhda Shaqo iyo Waxbarasho ee Qore Sare Dr. Axmed Dhicisow Daa’uud

Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa Taariikh Nololeed kooban oo ku saabsan Qoraaga sare ee Dr. Axmed Dhicisow Daa’uud iyo wax qabadkiisa, si ay ula Socdaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Akhristayaa Shabakada SomaliSwiss iyo Dhegeystayaasha Radio Somaliswiss.

– Qoruhu Magaciisa oo saddexan waa Axmed Dhicisow Daa’uud, wuxuu Ku dhashay Degmada Baardheere  Gobolka Gedo  01/01/1948.

– Waxbarashada Dugsiga Quraanka iyo Dugsiga Hoose, wuxuu ku soo qaatay Degmada Baardheere.

– Waxbarashada Dugsiga Dhexe, waxaa uu ku soo qaatay Hoyga Isha Baydhaba (Coleggio Baidoa) ee magaalada Baydhabo Gobolka Bay.

– Waxbarashada Dugsiga Sare iyo Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay  magaalada Muqdisho, wuxuuna ka qalan jibiyey Jaamacadda Umadda Laanteeda Siyaasadda iyo Saxaafadda, asagoo qaatay Shahaadada  B. A. ee Culuumta Siyaasadda ( POLITICAL SCEINCES and GIORNALISMO).

– Wuxuu kaloo Dr. Axmed Dhicisow uu  Waxbarasho isugu jirta Aqoon Kororsi iyo Takhasuus Suxufinnimo ah  ku soo qaatay Wadamada Talyaaniga, Ciraaq iyo Liibiya.

– Dr. Axmed Dhicisow waxaa uu kasoo shaqeeyey Muddo 19 Wasaaradda Warfaafinta, Waaxda Qoraalka gaar ahaan Wargeyskii Xiddigta Oktoobar  oo  ka ahaa Qore Sare (Chief Editer), isla Wasaaraddaasi wuxuu ka noqday Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaaqaalaha ee Wasaaradda Warfaafinta.

– Dr. Dhicisow wuxuu ka mid ahaa Howlwadeenadda Xiriirka guud ee Ururrada Shaqaalaha ee Soomaaliya, Madaxna ka noqday Ururka Shaqaalaha Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed.

– Waxaa kaloo uu ka mid  noqday Howlwadeennada Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, qaybta hoggaanka Abaabulka.

– Dr. Axmed Dhicisow dagaalkii 1977 ee Ethiopia iyo Somalia, waxaa loo magacaabay  Guddoomiyaha Maamulka Degmooyinka Doolow Gedo, Doolow Bay iyo Doolow Addo ee Gumeysiga loogu qabsaday dowladda Ethiopia.   

– Dr. Axmed Dhicisow, Sanadku markuu ahaa 12/11/1981 waxaa uu ka fadhiistay shaqooyinkii  uu Qaranka u hayey Sababo iyo duruufo waqtigaas jiray Awgeed, waxuuna shaqo  Sacuudiga, waxaa uu shaqo ka helay Shirkad  Weyn Talyaani ah oo waqtigaas qandaraas ku qabtay dib u habeynta Isgaarsiinta dalka Boqortooyada Sacuudiga sida TV-ga iyo  isku xirkaTeleefonada.

– Dr. A. Dhicisow Billawgii dagaaladii Sokeeye 15. Oktoobar 1989-kii, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee ka  baxay Soomaaliya, waxa uu u kacitimay dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ka noqday Bare Jaamacadda Università Orientale di Napoli.

– Dr. A. Dhicisow Sideed Sano kadib, waxaa uu u soo wareegay Dalka Switzerland, wuxuuna Muddo 16 Sano ah gacanta ku hayaa Radio SomaliSwiss oo af Soomaali ku hadla iyo Shabakad SomaliSwiss Website oo  Qore Sare iyo Howlwadeen ka ahaa.

– Ugu danbeyn Dr. Axmed Dhicisow Daa’uud, inta uu joogay dalkan Switzerland, wuxuu Juhdi  weyn geliyey siduu Soomaalida ku kala fogaaday Dagaalka Sokeeye isugu soo dhaweyn lahaa, maadaama ay ku kala fikrad duwanaayeen Midnimada Ummad ahaaneyd ee Soomaalida, hase yeeshee wuxuu ku guuleystay inuu isku xiro Soomaali badan oo ku nool Gobollada Dalkan Swisska, wuxuuna Dr. Dhicisow ka tirsan yahay Ururka Samafalka ee Rajo Peace, Integration & Development for Somalia, kana mid yahay Guddiga Fulinta, wuxuuna  yahay  Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalida eeGobolka Zürich.

Sidaas iyo Barasho Wacan

Waxaa idin soo diyaariyay Qoraalkan  Tifaaftiraha  iyo Webmasterka SomaliSwiss Yusuf Garabey.

SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: