Meles Zanawi oo la kulmay Wasiirka Maaliyadda dowladda KMG Soomaaliya oo Booqasho ku joogo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

shariif-iyo-meles2

Halkaan ka akhri

Wasiirka Maaliyadda  ee Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa Jimcihii  tagtay Shir kula yeeshay Magaaladda Addis Ababa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, waxayna ka wada hadleen Xaaladaha Cakiran ee ka Aloosan Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay waxay Labadda Dhinac ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin:- in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Kalabeyrka ay Tagaan Baladweyne illaa iyo Baydhabo, kalana wareegaan Gacan ku haynta Xoogaga Islaamiyiinta ee Gacanta ku haya.

Warku wuxuu intaa ku daray in Ciidamada AMISOM  loo daayo Qabashadda Magaaladda Muqdisho iyada la soo Dhameystirayo 8 kun ee uu Horey Midowga Afrika u Balanqaaday.

Wakaaladda Wararka Ethiopia ee “ENA” ayaa sheegtay in labadda Dhinac ay si gaar ah uga wada hadleen sidii la isaga Moosi lahaa in Degenaansho la’aanta aysan ku dhicin Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo Habka DKMG ah ay Ethiopia u Taageeri karto, Warkaas waxaa Wakaaladda “ENA” u xaqiijiyay Mas’uul sarre oo ka qeyb galay Kulankaas.

Meles Zenawi ayaa sheegay in ay DKMG ah ka taageerayaan Arrimaha La xiriira Tababarka, sidoo kale ENA ayaa sheegtay in labadda dhinac ay ku Heshiiyeen in la Bur-buriyo Howlaha ka soo horjeeda Nabadda ee ay wadaan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab iyadda oo la garabsanayo Beesha Caalamka.

Ra’isul Wasaaraha ku Xigeenka DKMG, ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan ayaa sheegay in Wadankiisu uu Jecelyahay in la sii xoojiyo Iskaashi Buux oo lala yeesho Ethiopia dhinac walba.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: