Wadamada ku jira Ururka Iskaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (OCSE) oo looga digay in ay dib u eegaan mustaqbalka dhaqaalahooda.

OCSE 1

Halkaan ka akhri

OCSEWadamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (OCSE) oo ay ka mid tahay Swizerland ayaa looga digay inay dib u eegaan Mustaqbalka dhaqdhaqaaqa maalgelintooda, sidaas waxaa shalay shaaca ka qaaday Wasiiradda dhaqaalaha Swisska Doris Leuthard.

Nidaam Cusub oo qoraal ah oo ay go’aansadeen Wadamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa isla shalay ku dhawaaqay Xoghayaha Guud ee Ururkaas Angel Gurria.

Mas’uulkan ayaa si fiican ugu Jawaabay weydiin ugu timaaday dhinaca Dowladda Swisska, waayo waxaa dhex maray dood aad u adag  ee la xiriirta sida uu ula dhaqmaayo Ururka Iskaashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha wadamada ka gaabiyey bixinta Canshuuraha oo hadda la sheegay inay geli doonaan Liiska Geriijaha ah, kuwaasoo ay ka mid tahay dalka Swisska.

«Waxaa hadda qabnaa wax ballan qaadaya in aannu nahay dad isku», Sidaas waxaa tiri Wasiiradda Dhaqaalaha ee Switzerland Doris Leuthard  oo immika ku sugan Kulanka Wasiirada  Dhaqaalaha ee Ururkaas ku bahoobay (OCSE) ee ka socda Caasimadda dalka Faransiiska ee Parigi.

Wasiiradda Dhaqaalaha ee Swisska ayaa hadda qabta in la joojiyo lacagtii uu Swissku wareejin lahaa si uu ugu qayb geli lahaa howlaha Ururkan, taasoo dhan 136’000 euro, hase yeeshee waxay sheegtay in ay la sugayso kulanka wadamada Qaniga ah ee lagu magacaabo  G20 oo dhici doono bisha settembre.

Isha warka : Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: