Sheikh Xasan Daahir Aweys oo cadeeyay mowqifka ay ka taagay yihiin in ciidamo shisheeye yimaadaan dalka Soomaaliya.

APTOPIX  SOMALIA

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha ururka Xisbul Islaam, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan in ay ciidan shisheeye dalka yimaadaan, isagoona fariin baaq ah u jeediyay dawladaha qorsheynaya in ay talaabadaasi qaadaan.

Hadalkan ka soo yeeray Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu yimid iyadoo dawladda Kenya ay sheegtay in ay garab istaagi doonto dawladda KMG isla markaana arrintaasi kala tashanayso urur goboleedka IGAD.

Sheikh Xasan Daahir Aweys mar uu baaq u jeedinayay dawladaha dariska ah gaar ahaan Kenya ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in Kenya looga baahan yahay in ay tix geliso xorinimada umaadda Soomaaliyeed.

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa soo hadal qaaday dagaalada dib uga bilaawday magaalada Muqdisho, isagoona tilmaamay qaabka lagu joojin karo oo ah in ciidamada shisheeye dalka laga saaro, sida uu hadalka u dhigay.

Horaantii todobaadkan ayay aheyd markii dawladda KMG ah ay cod dheer uga codsatay dawladaha deriska in ay si deg deg ah fara gelin milatari kusoo sameeyaan gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: