Madaxaweyne Sheikh Shariif oo Warqad Codsi ah u diray Kulanka Wasiirada Arimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta.

president, Sharif Sheikh Ahmed

Halkaan ka akhri

Xogyahaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa waxaa uu soo bandhigay Warqad uu soo diray Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, taasoo loo gudbiyay kulankii Albaabdu ay u xirnaayeen ee ay yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ee lagu soo gababeeyay Madaalada Qaahira.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa la sheegay in Warqadaas uu ku dalbanayay  Taageero loo fidiyo Xukuumadiisa oo ku wajahan in laga caawiyo isku dayga lagu doonayo in lagu wiiqo dowladdiisa iyo weerarada xoogan ee ay wajahayso dhinaca Mucaaradka Hubeysan.

Masuul ka mid ah oo ka qeyb galay kulankaas albaabadu u xirnaa ayaa waxaa laga soo xigtay in Warqadda Sheikh Shariif Sheikh Axmed ay ahayd mid ka tarjumaysa Dalab ay Xukuumadda u jeedinayso Jaamacadda Carabta taasoo ah in ay hesho Taageero deg deg ah oo Dhinaca Siyaasadda iyo Dhaqalaha ee ka imaanayso dalalka Jaamacadda Carabta.

Warqadda Codsiga ah ee uu  Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka mid ahaa in la taageero Ciidamada AMISOM ee haatan Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo in la tababaro Ciidamo ay leedahay dowladda KMG Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan xasilanta Xaaladda kacsan ee Soomaaliya.

Qoraalka Warqadda Codsiga ahayd ee Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sidoo kale Jaamacadda carabta uga dalbaday in ay si deg deg ah ku soo fara galiyaan Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb qaataan dagaalada lagu sii wiiqayo Awooda dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Qahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: