Cudurka Hargabka Doonfaarka (Swine flu) oo laga helay dad badan wadanka Switzerland.

virus A(H1N1), 3

Halkaan ka akhri

DoonfaarBERN – dad ka badan 43 qof ayaa laga helay Cudurka Cusub ee hargabka Doonfaarka, sidaa waxaa shaaca ka qaaday shalay Xafiiska Caafimaadka ee Federaalka Switzerland, kadib markii shalay laga helay  Cudurkaas 9 qof oo kale.

Waxyeelada ugu culus ee Cudurkan, waxaa laga diiwaan geliyey Kantoonada Aarau, Vaud, Berna, Zürich iyo Basel.

 Dhinaca kale waxaa la xaqiijiyey in Shacabka Swiss-ka uu ka nabad galay inuu qaado virus A(H1N1), sidaas waxaa sheegay mas’uul Sare ee ka tirsan Xafiiska Caafimaad uga qaabilsan dowladda federaalka Swiss-ka.

Balse  Mas’uulkaas wuxuu Caddeeyey in dadka laga helay ama uu ku dhacay  cudurkaasi ay badankooda ka kala yimaadeen Wadamada: America, Canada, Mexico, Chile, Panama, Australia, Jamhuuriyadda San Domenico iyo dalka UK.

 SomaliSwiss Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: