Ciidamada dalka Jarmalka oo gacanta ku dhigay Jaad miisaankiisu yahay 1.5 tan oo ku socday wadamada Denmark iyo Sweden.

Khat_Jarmal_lagu_qabtay_1

Daawo Sawirada kale

Halkaan ka akhri

Khat_Jarmal_lagu_qabtay_1

Tan iyo markii ay dowlada Jarmalka ka mabnuucday dalkeeda jaadka, isla markaana ay ku dartay liiska muqaadaraadka dalkeeda ka mabnuuca ah, ayaa waxaa ay xooga saareen ciidamada kahortagga daroogooyinka, sidii uusan dalkooda usoo gelin jaadka, maadaama ay ka warqabto in dalka Jarmalka uu yahay wadada keliya ee loo soo mariyo Jaadka Wadamada kale ee Yurub.

Jaadku waxa uu si joogta ah uga soo degaa dalalka Holand iyo England, isagoo uga yimaado dalka Kenya dowlada Holand ayaa ka hesha jaadka lacago fara badan oo dhinaca, canshuuraha ah, jaadka guud ahaan dalka Jarmalka oo dhan ayuu mabnuuc ka yahay, cidii lagu helo isaga oo Jaad soo gelinaya dalka Jarmalka ama ku iibinaya suuqyada, waxaa ay dowlada Jarmalka la tiigsataa sharciga, Soomaali fara badan ayaa xabsiyada ugu jiro Jaad lagu qabtay darteed, waana mida keentay in dadka ka ganacsada Jaadka ay u soo dhiibaan dad aan Soomaali ahayn, sida jaad dhawaan lagu qabtay xadka u dhexeeya Jarmalka iyo dalka Denmark, baabuur noociisu ahaa transporter uuna waday nin u dhashay dalka Poland oo ay da’diisnu ahayd 30 jir, kaas oo lagu qabtay Jaad culeykiisu ahaa 1.5 tan (1500kg).

Jaadkaas oo lagu soo shubay 130 jawaan, darawalkii siday baabuurkii lagu qabtay Jaadka ayaa la dhigay xabsiga wuxuuna halkaasi ku sugayaa Maxkamadii ku shaqada lahayd Xukunkiisa.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay ciidamada Jarmalku qabtaan Jaadadka u socda, dalalka Swened iyo Denmark, waxayna ku qiimeeyeen in dalalkaasi la kala, siisto 1kg oo Jaada 150 ilaa 250 euro, xisaab xirkii sanadkii la soo dhaafay 2008 ayey dowlada Jarmalku, ku sheegeen in ay qabteen jaad lagu qiimeeyay 19 milyan oo Euro.

Khat_Jarmal_lagu_qabtay_3Khat_Jarmal_lagu_qabtay_5Khat_Jarmal_lagu_qabtay_4Khat_Jarmal_lagu_qabtay_2
CABDIRASHIID SHAAM
BONN;DALKA JARMALKA

Sourse: SomaliWeyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: