Xoghayaha Warfaafinta Jabhadda ONLF oo ugu baaqay Soomaalida in ay iska ilaaliyaan qorshayaasha Gumaysiga cusub Caalami ah.

https://i2.wp.com/www.somalism.com/media/specials/onlf.fighters/2.jpg

 Halkaan ka akhri

 Xoghayaha Warfaafinta ee Jabhadda ONLF ayaa ugu baaqday dhinacyada Soomaalida in ay ka tashadaan Aayaha Dalkooda iyagoo sheegay in ay jiraan qorshayaal caalami ah oo shisheeye oo la doonayo in Soomaaliya markale lagu galiyo Gumaysi Cusub.

Xuseen Nuur oo ah Xoghayaha Warfaafinta Jabhadda ONLF u waramayay Idaacada Shabelle ayaa ugu baaqay dowladda KMG iyo xoogaga ka soo horjeeda  in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana wadahadal ay ku dhameeyaan arinta ka dhaxaysa.

Xoghayaha Warfaafinta ee Jabhadda ONLF Xuseen Nuur ayaa waxa uu ka codsaday Barlamanka KMG Soomaaliya in uu ka laabto go’aankii dhawaan uu ku dalbaday ciidamada Shisheeye isagoo tilmaamay taasi in ay keeni karto qorshayaal  caalami ah oo mar kale dib loogu celiyo Soomaaliya Gumaysi Cusub.

Sidoo kale Xoghayaha Warfaafinta Jabhadda ONLF waxaa uu wax laga xumaado  ku tilmaamay qorshihii Barlamanka KMG Soomaaliya ay ku dalbadeen ciidamada dariska la ah Soomaaliya,isagoo sheegay in ay horay u sheegeen wadamda Kenya iyo Ethiopia in aysan ogolaan doonin dowladd rasmi ah oo ka dhalata Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee hadalka Jabhadda ONLF ayaa imaanaya xili maalmo ka hor kulan ay ku yeesheen mudanayaasha Barlamanka gudaha Magaalada Muqdisho ay ku dalbadeen in wadanka Soomaaliya la keeno Ciidamo garab istaaga dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: