Ururka Al-Shabaab oo shaaciyey qofkii fuliyey Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dad badan oo Soomaali ah lagu xasuuqay ee ka dhacay mag. Baladweyne.

isqarxiye4

Daawo Sawirada wiilka Isqarxiyay

Halkaan ka akhri

isqarxiye1

Xarakada Al-Shabaab oo iyagu sheegatay Khamiistii lasoo dhaafay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu khaarijiyey Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka dowlada KMG Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa waxaa ay xarakada Al-Shabaab shaacisay magaca iyo muuqaalka qofkii ka danbeeyey weerarkaasi.

Bogga Internetka ee ku hadla  Afka Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay muuqaalka wiil da’yar oo Soomaali ah oo la sheegay in uu fuliyey weerarki Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotelka Madiina ee bariga magaalada Baladweyne, iyadoo ay Qaraxaasina ku  dhinteen in kabadan illaa iyo 30 ruux ay ku jireen Coll.Cumar Xaashi Adan, C/kariin Xuseen Faarax Laqanyo, iyo Odayaal dhaqameedkii magaalada Baladweyne.

Bayaanka la soo dhigay Bogga Internet-ka ayaa lagu sheegay in Taliska Militariga ee Xarakada Al-Shabaab ay go’aamiyeen in la dilo mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.

Weerarkaasi Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa lagu sheegay bayaanka al soo saareen Al-Shabaab oo ku qornaa Af-Carabi, in uu fuliyay mid ka mid ah dagaalyahanada xarakada Al-AShabaab, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Deerow Sheikh Aadam (Zubeyr) kaasoo watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iskuna qarxiyay kolonyo ay wateen Odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne iyo Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Col. Cumar Xaashi.

Sidoo kale hadalkaasi kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sidoo kale lagu dilay qaraxii magaalada Baladweyne saraakiil lagu soo tababaray dalka Ethiopia, kuwaas oo doonayey in ay weeraro ka sameeyaan gudaha dalka Soomaaliya, waa sida uu bayaanka u qornaa.

Weerarkaasi Ismiidaaminta ay ku sheegatay xarakada Al-Shabaab ayaa lagu laayay Odayaal dhaqameen iyo Culimaa udiin aan waxba galabtay, iyagoo ku doodaya in ay qaraxaasi ku dileen saraakiil Ethiopia lagu soo taba baray iyo Wasiirkii Amniga Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Qarixii dhowaan ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa noqonaya kii labaad oo lagu laayo dad Soomaaliyeed oo wada Islaam ah, iyadoo qaraxan kii ka horeeyay lagu laayay Askar Soomaaliyeed oo katirsanaa dowladda KMG Soomaaliya oo iyagu ku jiray xero ay deganaayeen oo ku taalay Iskool Bolisia ee magaalada Muqdisho.

isqarxiye3isqarxiye4isqarxiye2

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

>>>Qarax Ismiidaamin ah oo ay ku geeriyoodeen Cumar Xaashi Aadan iyo C/kariin X. Faarax Laqanyo oo goordhow ka dhacay magaalada Baladweyne.

>>>Qasaarihii uu geystay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay magaalada Baladweyne oo sii kordhaya…

%d bloggers like this: