TACSi: Dhammaan Xildhibaanada Beesha Gaaljecel oo Tacsi tiiraanya leh u diraya Mas’uuliyiintii ku geeriyootay qarixii ka dhacay mag. Baladweyne.

Halkaan ka akhri

انا لله وانا اليه راجعون !

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN!

Anigoo ah Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow kuna hadlaya magaca Xildhibaanada Beesha Gaaljecel waxaan halkan TACSI ugu dirayaa ehelada, qaraabada iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen masu’uuliyiintii sida xaq darrada ah loogu dilay magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Masu’uuliyiintaas la dilaya waxay kala ahaayeen: Wasiirkii Amniga Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya, Marxuum Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire Cabdikariim Laqanyo iyo dad kale oo fara badan oo isla shilkaas ku geeriyooday. Alle (SWT) ha u wada naxariisto dhamaan dadkii lagu wada dilay Baladwayne, caruurta, ehelada, qaraabada iyo asxaabtii ay ka wada tageenna, samir iyo iimaan Illaah ha ka siiyo. Aamiin!

Marxuum Cumar Xaashi Aadan, Alle (SWT) ha u naxariisto, waan soo wada shaqaynay in muddo ah. Waxaan ka wada tirsanaan jirnay Isbahaysiga Dib U Xoraynta Somalia ARS. Wuxuu Guddoomiye noogu ahaa Guddiga Amniga ee ARS. Inta aan wada shaqaynaynay muddadaas gaaban, runtii wuxuu ahaa nin dadka isku wada, nin dul qaad badan, wadani ah, wuxuu jeclaa in dalka lagu soo celiyo nabadgelyo,  xasilooni iyo kala dambayn. Wuxuu u joogay maalmihii dambana Gobolka Hiiraan waxay ahaayeen sidii uu dib ugu soo celin lahaa xasilooni Gobolka Hiiraan iyo nawaaxigiisa.

Marxuum Cumar Xaashi Aadan Alle (SWT) ha u naxariistee, kama geeriyoonin caruurtii iyo eheladii oo keliye. Balse, wuxuu ka geeriyooday dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HIIRAAN, Dawladda KMG iyo asxaabtii uu ka wada tegey. Waxaan si gaar ah TACSI ugu dirayaaa dhamaan xubnihii ka wada tirsanaan jiray Guddiga Amniga ee ARS, Golaha Wasiirada & Golaha Baarlamaanka ee DKMG.

Waxaan sido kale, halkan uga tacsiyadeenayaa eheladii iyo qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen marxuumiinta kala ah oo dhan:

Marxuum Engineer Maxamed Xuseen Cadow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaaliyed

Marxuum Cabdullaahi Ciise Abtidoon oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaaliyed

Marxuum Cagawayne oo ka mid ahaan jiray Guddiga Amniga ee ARS.

Ugu dambayntii, waxaan Alle (SWT) uga baryaynaa in dhamaan dadkaas la wada dilay naxariistee Alle siiyo, eheladii iyo qaraabadii ay ka takeena samir iyo aamiin Illaah ka siiyo Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Qore: Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow

SomaliSwoss@hotmail.com

%d bloggers like this: