Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo shaaca ka qaaday in Maanta wixii ka dambeeya uu dalka Soomaaliya ku jiro Xaalad deg dega ah.

Somali President Sheik Sharif Sheik 1

Halkaan ka akhri

Sheikh Shariif Sh. Axmed oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada ayaa shaaca ka qaaday in Dalku uu gelayo Maanta wixii ka bilowda Xaalad deg deg ah (Marshal law).

Madaxweynaha wuxuu sheegay in qaadashada Go’aankan ay ku qasabtey Xaalada adag ee Dalku marayo iyo awoodii Dowladda KMG ah oo wiiqantay, sidaas darted ka dib markii uu la tashi badan uu kala sameeyey dhinacyada laamaha dowladda Xaalada Dalka uu marayo wuxuu garwaaqsaday inay lagama maarmaan tahay in laga bilaabo Maanta uu Dalka la geliyo Xaalad deg deg ah, wuxuuna Baarlmaankana ka codsaday  inay meel mariyaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Sheikh Shariif ayaa sheegay in Go’aankan uu qaatey isagoo ka amba qaadaya soo jeedintii Golaha Wasiirada ee Dowladda KMG ah dhawaan isla gaareen una soo gudbiyeen.

Sidoo kale waxa u sheegay inuu go’aankan qaatey ka dib markii Dowlada KMG ah lagu soo qaadey Dagaalo uu ku sheegay kuwo Argagaxiso, Ujeedaduna tahay sidii looga takhalusi lahaa, kuwa isu bahaystay inay Dowladda Inqilaabaan.

Hase yeeshee Madaxweynuhu ma uusan sheegin waqtida uu dhamaanayo Xukunkan Deg dega ah ee uu Dalka ku soo rogay.

Sheikh Shariif ayaa u gu baaqay Beesha Caalaamka, gaar ahaan Urur Goboleedka IGAD, AU, Mareykanka, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Urub & Qaramada Midoobay inay taageero u diraan Dowlada KMG ah & Shacabka, wuxuuna yiri:“Waxaa kaloo Xukuumadu Go’aansatey in Baaq loo jeediyo Dowladaha Aduunka gaar ahaan IGAD, Ururada Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub, Dowlada Mareykanka, iyo Qaramada Midowday & Beesha Caalamka in Soomaaliya gacan laga siiyo Xaalada adag ee ay ku jirto iyo Dowlada Soomaaliyeed”. Wuxuu kale intaa ku darey inay Beesha Caalamka ka codsanayaan si deg dega ah dhinac walba uga kaalmeeyaan. Shacabka ayuu ka codsadey inay garab istaagaan.

Si kasta ha ahaatee  Go’aankii Baarlamaanku ku dalbadey Ciidamo shisheeye oo deg deg ah lala soo gaaro ayuu taageeray, wuxuuna sheegay inay noqonayaan kuwo Dowlada ilaaliya balse aan dhibaato u geysan Shacabka.

Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri: “Ciidamada la dalbanaayo maaha Ciidamo Ujeedadu tahey inay dhibaato gaarsiiyaan Shacabka Ujeedadu waxay tahey inay badbaadiyaan isla markaasna ku shaqeeyaan aragtida Dowlada iyagoo daneynaaya danaha Shacabka Soomaaliyeed”. Wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa xilli uu qoyan yahey Dhigii Dadka Rayidka ee ka dhashey Duqeyntii ugu danbeysay ee Ciidamada AMISOM ka geysteen Xaafado ka mid ah Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Balse Sababta Ciidamada shisheeye ku kaliftay xilligan inay dalbadaan ayuu ku sheegay inay tahey sidii la isaga difaaci lahaayey Xoogaga ka soo horjeeda ee doonaya inay awoodiisa wiiqaan.

Dhanka kale Sheikh Shariif ayaa soo hadal qaadey arrimaha Ciidamada AMISOM, wuxuuna sheegay Dowladu inaaney marnaba ka maarmin una baahan tahey intay ciidamo ku fulin ka sameysaneyso si ay isaga difaacaan Xoogaga ka soo horjeeda.

Waxaa Madaxweynuhu garab fadhiyay markuu warbaahinta uu siinayey War-saxaafadeedka Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin Shariif Sh Aadan, C/raxmaan Ibbi & Farxaan Cali Maxamuud.

Qayla dhanka cusub ee ka soo yeeray Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaan waxba uga duwaneyn kii Aadan Madoobe ku dalbadey Ciidamo Shisheeye oo deg deg ah oo lala soo gaaro, waxa ayna isu geynta go’aamadan waxba kama jiraan ka dhigayaan go’aankii horey Golaha Wasiirada  ku ansixiyay dhaqan gelinta Shareecada Islaamka sidoo kalena uu ku meel mariyay Golaha Baarlamaanku.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: