Raila Odinga oo Beesha Caalamka ugu baaqay in laga dhabeeyo dalabka dowladda KMG Soomaaliya ee ahaa in ciidamo loo soo diro Soomaaliya.

Kenya's Prime Minister Ralia Odinga

Halkaan ka akhri

Raila Oding oo ah Ra’iisul wasaaraha wadanka Kenya ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay tixgaliyaan, Lagana dhabeeyo dalabka dowladda KMG soomaaliya ee ahaa in ciidamo loo soo diro wadanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha wadanka Kenya Raila Oding iyo Ra’iisul wasaarayaasha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya ayaa waxaa uu Ra’iisul wasaaraha Kenya Raila Oding ugu baaqay in Beesha caalamka ay la tix galiyo Dalabkii dowladda KMG Soomaaliya ee ahaa in ciidamo loo soo diro dalka Soomaaliya si loo soo Afjaro dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Raila Oding ayaa waxaa uu sheegay in Toddobaadkii la soo dhaafay uu joogay Magaalad Jeneve ee dalka Swetzerland, halkaasoo uu kula kulmay hay’ado kala duwan kuwaasoo uu sheegay in uu kala hadlay sidii loo taageeri dadka Soomaaliyeed ee  dhibaatada ku heysta gudaha dalka Soomaaliya iyo Xerooyinka Qaxootiga ee dalka kenya.

Hase yeeshee Ra’iisul wasaaraha kenya ma’uusan ka hadlin xili cayiman oo uu dalkiisu doonayo in uu ciidamo u soo diro, balse waxa uu sheegay in ay ka wada tashan doonaan oo go’aan ay ka soo saari donaan arrinta ku sabsan ciidamo u diradda gudaha Dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka kenya Raila Oding ayaa ka codsaday Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Africa, Ururka Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dowladda Maraykanakaba in ay si deg deg ah talaabo ay u qaadaan, islamarkaana ay bad baadiyaan dowladda KMG Soomaaliya oo uu sheegay in  ay xaalad deg deg ah ku jirto.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: