Midowga Africa oo tageeray codsigii dowladda KMG Soomaaliya ee ahaa in ciidamo ay u soo diraan Wadamada dariska la ah Soomaaliya.

Belgium EU Somalia Donor Conference

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Ururka Midwoga Africa uu tageeray codsigii dowladda KMG Soomaaliya ee ay ku weydiisatay in ciidamada dariska ah ay soo galaan Soomaaliya si ay uga gacan siiyaan dagaalada ay kula jiraan  xoogaga hubaysan kaga soo horjeedaan.

Dowladda Ethiopia ayaa horay u sheegtay in ciidamadeeda oo dib ugu laabta Soomaaliya ay ku xiran tahay ogolaansho kaga timaada beesha Caalamka,hase yeeshee wariyaha BBC-da u jooga Magaalada Addis Abaaba ayaa sheegaya in Ethiopia ay ka war dhowrayso taageerada Midowga Africa uu taageeray go’aanka dowladda kMG in uu yahay mid ku filan oo ka dhigi kara in ay Soomaaliya soo galaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga Ururka Midowga Africa Jean Ping ayaa warbixin uu soo saaray maanta waxaa uu ku sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay taageero weydiisato Wadamada Xubnaha ka ah Ururka Midowga Africa iyo Waliba Beesha Caalamka.

Sida la wada ogsoon yahay Ururka Midowga Africa ayaa waxaa ka jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ilaa 4,300- kuwaasoo la sheegay in waajibaadkoodu uu yahay in ay iyagu is difaacaan xiliga weerarka lagu soo qaado, balse aanay awoodin in ay howgalo ka fuliyaan meelo ka baxsan goobaha ay ku sugan yihiin.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Ethiopia Barakat Simon ayaa waxaa Maalintii Axada aheeyd uu shaaciyay in Ethiopia ay ka fiirsanayso in ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya ilaa inta Beesha caalamku ay arintaasi ka go’aansanayso.

Waxaa Maalintii sabtiga aheyd Gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya sheikh Aadan Max’ed Nuur Madoobe uu cod dheer ugu qeylo dhaamiyay wadamada dariska iyo kuwa caalamka in ay ciidamo ugu soo diraan Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda KMG Soomaaliya,Ururka Midowga Africana waxaa uu noqonayaa Ururkii ugu horeeyay ee ka jawaabay codsigaasi.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: