Dadweynihii u qaxey degmooyinka gobolka Bay oo la il daran Gaajo iyo Xaalad Caafimaad daro.

baydhabo

Halkaan ka akhri

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ayaa waxaa  maamamihii ugu danbeeyey ku soo qulqulayeen boqolaal dad ah oo ka imaanaya dhanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, hase ahaatee dadkii magaalada Baydhabo soo gaarey ay ka cabanayaan Gaajo iyo caafimaad daro oo imminka soo wajahday. 

Sida ay sheegeen Dadka barakacyaasha ah in Xerooyinka ay ku jiraan ay ka jirto dhibaatooyin kala duwan gaar ahaan waxay sheegeen in dhibaatada uga weyn ee ay qabaan ay tahay cuduro oo ka dilaacey Xerooyinka ay ku jiraan. 

Dadkan ayy la sheegay in badinkooda ay ka mid ahaayeen dadkii maalamihii ugu danbeeyey ka soo cararey dagaalada aan dhamaadka laheen ee Muqdisho ka socda, kuwaas oo intabadan wax yeelada kas oo gaarta Dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan, hase ahaatee waxay sidoo kale ay sheegeen  in markii Magaalada ay soo gaareen Baydhabo dhibaatada uga weyn ee ku heysata ay tahay Caafimaad daro, waxeyna intaasi raaciyeen in caruurtooda iminka ay kaga dhaceen cudurka Shubanka. 

Si kastaba ha ahaateee ma ahan markii ugu horeysay oo dhibaatooyin ay ka cawdaan dadka ku jira xerooyinka ku yaala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bakool xerooyinkani oo maalin walba ay kusoo biirayaan qoysas hor leh.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: