Xarakada Al-Shabaab oo digniin culus u jeedisay dawladaha Dariska iyo Caalamka, hadii ay isku soo fara geliyaan arimaha dalka Soomaaliya.

cali dheere

Halkaan ka akhri

Afhayeenka dhaq dhaqaaqa xarakada Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo Maanta isna Shir Jaraa’id oo qadka taleefanada ah ugu qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu digniin culus u jeediyay caalamka.

Digniintan ayaa waxaa ay daba joogtaa baaq codsi ah oo Shalay ka soo baxay dawladda KMG Soomaaliya oo ay caalamka uga dalbatay in mudo 24 saac gudahooda ah ay faragelin Milatari kusoo sameeyaan gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka xarakadda Al-Shabaaba Cali Dheere ayaa hadalkaasi kasoo yeeray dowladda KMG ah waxaa uu ku tilmaamay fashil ku yimid jiritaanka dawladda KMG Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna shaaca ka qaaday in ay la dagaalami doonaan ciidan walba oo yimaada gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu xusay in dawladda KMG Soomaaliya ay u yeeratay Beesha Caalamka si ay garab u siiyaan, balse dhankooda sheegay in ay kaashanayaan awooda Alle, sida uu hadalka u yiri.

Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu ku eedeeyay dawladda KMG Soomaaliya in ay dib u soo celinayso ciidamadii Ethiopia oo dhibaatooyin lixaad leh ka geystay gudaha dalka Soomaaliya xilligii ay ku sugnaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay ciidamada Ethiopia sidii ay Shalay wadanka xooga uga saareen Maantana ay uga saarayaan hadii ay kusoo laabtaan, sida uu hadalka u yiri.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: