Wasiirka Isgaarsiinta Ethiopia Barakat Simon oo sheegay in Dowladdiisu ay shuruud ku xirtay dib ugu soo laabashada Soomaaliya.

Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Barakat Simon

Halkaan ka akhri

Wakaaladda wararka Faransiiska  AFP ayaa soo werisay in Wasiirka Isgaarsiinta Ethiopia Barakat Simon uu sheegay in aysan ciidamadoodu soo faragalinayn Soomaaliya ayagoo gurmad u ah DKMG ah haddii aysan Beesha caalamku go’aankaas qaadan.

Barakat Simon oo arrintaa ka hadlayey wuxuu yiri: “ Hawlgal cusub oo kasta oo Ethiopia qaadanayso lana xiriira Soomaaliya waa in uu ku yimaado qaraar Caalami ah” hadalkani wuxuu soo ifbaxay xilli u ka jawaabayay dalabka DKMG ah ay ku dabatay ciidamo muddo 24 saacadood gudahood ah.

Shalay ayey ahayd markii DKMG ah ay golaheeda Baarlamaanka iyo kan Xukuumadda ay Caalamka ka codsadeen gurmad degdeg ah oo lagu badbadinayo, sidoo kale waxay si gaar ah uga dalbadeen Gurmad dalalka dariska ah Soomaaliya.

Ha yeeshee Dawladda Ethiopia ayaa soo galitaankeeda ay ku garab istaagayso Dawladda Soomaaliya ku xireen Shuruudo ay ka mid yihiin:-
1. in soo galitaankeeda uu kuyimaado ogolaansho Qaraar Dawli ah ( kasoo baxa Golaha Amaanka )
2. in wax kasta oo kharash ah ee ku baxaya hawlgalkan ay bixiso Beesha Caalamku
3. in aan soo bixitaankeeda danbe wax wakhti ah loo qaban.

Si kasta ha ahaatee Dowladda KMG ah ee hadda dalbatay ciidamada Ethiopia ayaa shuruudaha aad ugu adag ee aasaaskeeda gundhigga u ahaa waxaa ka mid ahaa bixitaanka ciidamada gumaysiga Ethiopia balse waxaa jiray xilliyadan danbe isfahn weyn oo u dhaxeeya Xubnaha madaxda ka ah DKMG ah iyo Itoobiya kuwaas oo intaysan ku biirin Dawladda lahjad qalafsan ku lacnadi jiray Ethiopia.

Isha Warka   AFP

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: