Duqeynmo aad u xoogan oo ay dad ku dhaawacmeen oo galabta ka bilowday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

ciidanka dowladda

Halkaan ka akhri

Qorax dhicii Maanta ayaa duqeyn xoogan waxaa ay ka bilaabatay degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaasoo dagaalo xoogan ay ka socdeen Maalmihii nasoo dhaafay.

Degmada Kaaraan ayaa Maanta waxaa ay ku waabariisatay xaalad deganaansho, iyadoo dad fara badan ay ka barakaceen guryahooda si ay uga baxsadaan dagaalada soconaya.

Dad ku sugan xaafadda Kaaraan ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dad ku dhaawacmay madaafiicda oo lagu dawenayo guryihii ay ku dhaawacmeen, iyagoo intaa ku daray in ay suurtagal noqon weysay in lala gaaro Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee wakhtigan ayaa lagu soo waramayaa in ay xaaladdu degan tahay, waxaase weli jira cabsida laga qabo dagaalada in ay dib u qarxaan maadaama dhinacyadii dagaalku u dhaxeeyay ay weli ishorfadhiyaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: