Diyaaradaha dagaalka ee Helikopter-ka loo yaqaan oo lagu arkay iyagoo dul heehaabaya inta u dhaxeysa Mogadishu iyo afgooye.

Halkaan ka akhri

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikopter-ka loo yaqaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu arkay inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

Qaxootiga ku barakacay deegaanada inta u dhaxeysa Afgooye iyo Mugdisho gaar ahaan kuwa Ceelasha Biyaha ayaa Shalay galabtii waxaa daawasho iyo la yaab ku noqotay in ay dushooda ku arkaan dayaaradaha sida qumaatiga u kaca ee Helikopter-ka oo dul heehaabaya.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas ayaa waxaa lasoo gudboonaatay cabsi xoogan, iyagoo ka cabsi qaba in weerar ay ku soo qaadayaan diyaaradahan goobaha ay ku sugan yhiin iyagoo uga shakisan in Al-Qa’eda meesha ay ku dhuumaaleysanaayaan.

Si kasta ha ahaatee lama garanaayo diyaaradaasi halka ay ka yimaadeen iyo halka ay sahminayaan, balse waxaa la saadaalinayaa diyaaradahaasi in ay ka soo kaceen maraakiibta dagaalka Mareykanka ee joogta badweynta India.

Maraakiib kuwa dagaalka ah ayaa si aad ah u fadhiya badweynta India ku xeeran dalka Soomaaliya, kuwaas  oo ay saaran yihiin ciidamo fara badan oo Military ah iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka iyo weliba madaafiicda dheereysa ee  dagaalka, kuwaas oo waardiya ka ah si ay uga difaacaan Burcad Badeeda Soomaalida ee weerarta Maraakiibta gargaarka u sida Soomaaliya iyo Maraakiibta kale ee badweynta dhexmarta.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: