Dawladda KMG Soomaaliya oo ku celisay in xal aan aheyn dagaal aysan haynin, oo uu dagaalka sii soconayo.

xaabsade

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa shaaca ka qaaday in ay sii socon doonaan dagaalada ay dawladda KMG ah kula jirto xoogagga mucaaradka hubaysan ee kasoo horjeeda.

Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay in dawladda KMG ah ay qorshaynayso dagaalo cusub ay la gasho xoogagga dagaalka wada, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in marar badan la’isku dayay wada hadalo lala galo xoogagga ka horjeeda dawladda KMG Soomaaliya, balse ay fashil ku dhamaadeen.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda dawladda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay sii wado dagaalada oo aysan jirin xal kale oo dhibaatada looga gudbi karo, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii waxaa uu cadeeyay in dawladda KMG Soomaaliya ay gobolo badan ka hubaynayso Ciidamo badan ay uga garab dagaalamaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: