Warbixin dheer iyo (Video) oo uu ka diyaariyay Wariye Ajnabi ah oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Muqdisho.

TFG military-Mogadiscio_articlephoto

Warbixin Xasaasi ah

Halkaan ka akhri

Jariidada ugu afka dheer ee dalka Faransiiska oo lagu magacaabo, “PARISMATCH” ayaa daabadcday talaadadii la soo dhaafay ee ay Taariikhdu aheyd 9, Jun 2009. Xog dheer oo uu soo uruuriyay wariye u shaqeeya jariidada “PARISMATCH” , oo booqday magaalada Muqdisho, halkaasoo warbixin dheer kasoo uruuriyay Dagaalada iyo marxalada adag ee ka jirta  caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wariye MATTHIAS BRUGGMANN ayaa si qaas ah uga faalooday Xaaladda dowladda KMG ah iyo guud ahaan dacdarada ka taagan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

Jariidaada iyo qeybteeda televisionka ayaa waxay baahiyeen, Documentary laga soo duubay dagaaladii kasocday magaalada Muqdisho, Sawirka hoose dushiisa riix si aad u daawato Video-ga.

TFG military-Mogadiscio_articlephoto

Warbixinta ay jariidadda magaceeda la yiraahdo (PARIS MATCH) daabacday oo uu wariye MATTHIAS BRUGGMANN kasoo diyaariyay Muqdisho ayaa waxay u qorneyd sidatan:-

MUQDISHO WAXAA KA TALIYA DAGAAL OOGAYAAL

Askarta Dowladu qaar waxay ku labisan yahiin Dhar tuute ah qaarna isku deys sida macawista waxay gashan yihiin kabo Buud ah qaarna kuwo Saandal ah.

Qoryahooda daran dooriga u dhaca ayaa u muuqda kuwo in muda ah aan la isticmaalin, laakin xabadahooda waa cuseyb, inta badana naf goys og..

Iyadoo ayan ka muuqan Istaraatiijiyad cad Ciidamada Dowladu waxay ku mintidayaan dhowr guryo oo ku yaala xaafadaha ay hadda gacanta ku hayaan.

Laga soo bilaabo Horaantii Bisha May 2009, Muqdisho waxay ku sii galeysaa rabshado joogto ah. Dagaaladu waxay sababeen boqolaal qof in ay ku naf waayaan, Kumanaan kun-na ku bara kacaan.

Islaamiyiinta mayalka adag waxay qaadeen dagaalo aan horey loo arag oo ay kaga hortagayaan dowlada uu hogaamiyo Sheikh Shariif Sh. Axmed. Kaas oo beesha caalamka ka heysti aqoonsi, islamarkaana Midowga Africa u yihiin difaac.

Shariifka Dowladdiisa kuma laha awood kale dalka gudahiisa, oo ay isku difaacdo, iyadoo dowlada ay ku  aruursan tahay aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia. Waxaa kasoo hor jeedda Kacdoon la yaab leh oo ay isku biirsadeen kooxo Islaamiyiin iyo kooxo daneeste yaal ah oo ku mideysan dhowr arimood, sida: Ku dhaqan Shareecada Islaamka iyo Bixinta Ciidamanada Ajaanibta ah iyo Xukun raadis.

MUQDISHO OO LAGU KALA GUURO MA FOGA..

De notre envoyé spécial à Mogadiscio

  •  
  •  
  •  
  •  

Ahmed oo ah wiil ka tirsan Al-Shabaab oo aan weydiiyay ku dhaqanka Dimuqraadiyada waxa uu ku diiday, ayaa iiga jawaabay, isagoo aan ka war wareegin warka, «Dimuqraadiyada waa mida Ragga Inay isku galmoodaan u fasaxeysa,  Dadkuna dariiqyada isku heystaan, iyadoo aysan xishood iyo  xushmadi jirin, sidii xayawaanka »

Axmed oo ah 34 jir. Waa Aabe reer leh, intuusan ku biirin Al-Shabaab oo ah urur mayal adag, oo dowladda Mareykanku ay ku dartay Liiska ay u yaqaanaan Argagaxisada,  waxa uu ahaa, macalin Dugsi Qur’aan.

Waxaa uu Amiir u yahay kana amar qaata isaga dhowr iyo tobon wiil oo ciidamada Al-Shabaab ah, oo ka dagaalama Suuqa Bakaaraha.

Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ah ururo ku midoobay dhinaca afkaarta, waxay gacanta ku dhigeen inta badan Magaalada Muqdisho, kadib sedex Isbuuc oo dagaalo naxariis daro ah, horeyna loo arag ay kala hortageen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Ahmed waxuu ka tirsan yahay Difaaca hore ee Suuqa Bakaaraha oo ah Wadnaha Dhaqaalaha ee Soomaaliya.  

Ahmed oo gaxweysanaya ayaa ii sharxay sababta uu sideedaba kaga soo horjeedo « Dimuqraadiyada » waxaa uuna yiri : “Dowlad guryaha xoog kala wareegeysa Shacabka, Iskana xiraneysa cid walba iyo cidey doonto oo sidey doonto ugu takri faleysa xaqa Shacabka, Haddey tahay taasi Dimuqraadiyada Afrika loo rabbo, waa wax aan Islaamka waafaqsaneyn. “Waa sheyga aan ka dhiidhinay” ».

Muqdisho, Dimuqraadiyadu waa aragti aan lagu taameynin mar dhow, Nabad dhalatana sidoo kale, marka la eego  dhibaatooyinkii laga dhaxlay 20-kii sano kaligii talisnimo, in ku dhow oo dagaalo sokeeye ah, iyo ugu danbeyn Faragelintii Ciidamada Xabashida.

Laga soo bilaabo horaantii bishii May ee sanadkaan 2009, Shacabka Maatada ah  waxay ku dhex dayacmeen, dagaalada ka dhex aloosan, Dowlada uu Hogaamiyo Sheikh Shariif oo taageero ka helaysa ciidamada Midowga Afrika usoo direen Soomaaliya ee (AMISOM) iyo kooxaha kasoo horjeeda ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

DADKA SOO BARAKACAY WAXEY QUUDSADAAN CAWSASKA DUURKA KA BAXA

Si ay ugu samatabaxaan Xabaddaha habowga ah. Miinooyinka meel walba ku qarxaya, hoobiyaha iyo   madaafiicda ay is weydaarsanayaan kooxaha dirirtu u dhaxeyso, Waxay qasabtay Shacabka ku dhaqan Muqdisho in ay faarujiyaan magaaladda. « Hay’adda Qaramada Middoobay ee Qaxootiga UNCHR, waxay sheegtay in boqolaal kun oo qof in ay ka barakeceen guryahooda oo ay degan yihiin halka lagu magacaabo Ceelasha Biyaha. Kuwaas oo ay hadana u tageen ku dhowaad   67.000  oo barakacday Sitimaanadii lasoo dhaafay.

Qaxootiga waxay daadsan yahiin daafaha magaalada Muqdisho, oo ay ku yaaliin xerooyin Qaxooti. Tan ugu weyn xerooyinkaas, waxay ku taal meel 20 Kilo Mitir u jirta magaalada Muqdisho, oo afaafka hore ee magaalada Afgooye ah. Waxaa maamula xeradaas, sedex Haween: Xaawa Cabdi, oo ah dhaqtarad wax kusoo baratay, dalka Ruushka, iyo labadeeda gabdhood oo kala ah, Deeqo & Aamino.

Sidii dagaaladu ay dib ugu curteen, magaalada Muqdisho, Xeradaas Qaxootiga ah waxaa kusoo biiray, 15 kun oo Qaxooti cusub ah, una badan Caruur iyo Haween.

Xaalad nololeedkooduna waa mid aan laga sheekeyn karin, iyagoo ku wada hoos nool Buushash ama Teendhooyin. Amaankuse waa mid  iska wanaagsan. Marka laga reebo, ajaanibta : Xeradan mar aan booqday bishii August ee tagtay 2008, waxaa lagu afduubtay, Gabar Wariye ah, una dhalatay dalka Canada,  Amanda Lindhout, iyo sawir qaade u dhashay dalka Australia, Nigel Brennan, kuwaas oo ilaa iyo hadda gacanta ugu jira kooxdii afduubatay.

Xerada waxaa Maalintii lagu daweeyaa ugu yaraan 500 bukaan ah, oo u badan Caruur nafaqo daro iyo il xumo ka muuqato jirooleyaal noqday, ama qaar naf baxaya.

Marka la gaaro Qorax soobaxa, Xerada waxaa ka dhex sameysma Saf dheer oo sida Maska oo kale u laalaaban, dadkana ay sugayaan dabiibe ama Dhaqtar.

Deeqo oo ah Dhaqtarad ayaa marka ay daweyneyso Canug yar oo Caruurta xanuunsan kamid ah waxaa Albaabka u taagan oday waayeel ah oo ku hubeysan Qori AK47, oo celinaya dadka madluunsan ee baahida daran u qaba daweyn, oo safku ku dheeryahay, ee isku dayaya in ay xoog ku jiiraan oo gudaha galaan.   

Baahida Cisbitalka lama soo koobi karo. Sariir bukaan la seexiyo, joodari, Biyo, Daawo, intaba kuma filna. Hay’adda Cunada Aduunka ee (WFP) mudo lix isbuuc ah ma aysan soo gaarsiin wax cuno ah, oo wey lasoo raagtay. Qaxootiga kasoo barakacay Muqdisho, waxay quudsadaan oo ay cunaan, cowska ka baxa dhulalka ku teedsan. Waxayna qatar weyn ugu sugan yahiin inay ku sumoobaan.

 Muqdisho haddaan u yara laabto, Dhowr guryo isku dhegdhegan kaliya ayaa ka maqan gacanta, kooxaha Islaamiyiinta ee kahorjeeda dowladda. Sida Villa Soomaaliya. Oo ah aqalka madaxtooyadda, oo ku yaala magaalada dusheeda. Halkaas oo ay ku urursan yahiin madaxda Dowlada. Waxaana si xoogan u ilaalinaya, Difaacna u ah, ciidamada Uganda, oo ka tirsan AMISOM.

Hoobiyaha si aan joogto aheyn, ayuu ugu soo dhacaan aqalka madaxtooyada. Kooxaha mucaaradka waxay ku sugan yahiinm meel boqolaal Mitir kaliya u jirta.

Laba sano ka hor Madaxweynaha Sheikh Shariif iyo mid kamid ah, Hogaamiyayaasha mucaaradka Sheikh Xasan Dahir Aweys, waxaa ka dhaxeeyay (Gaashaan buursi) wada shaqeyn wanaagsan macnaha. Maantase waxaa ka dhaxeeya cadaawad naxariis daro leh.

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cumar Cabdirashid Ali Sharmake, kuma weeraro kooxaha kasoo hor jeeda,  kalmado aad u ad adag, Markuu fogaado waxuu yiraahdaa : «” Waxaa ina soo weeraray kooxo gumeysato ah, iska soo aruursaday, aduunka dacaladiisa, iyagoo sheeganaya magac Islaam, Rabana inay dalkan Mustaqbalkiisa go’aano ka gaaraan “». Laakiin Madaxweyne Shariif, wuu kasii dheereeyaa, waxa uuna carabaabaa, asigoo dhirif ka muuqato, cabsashada uu ka qabo faragelinta Al qaacida.

Wadooyinka Muqdisho hadaad aragto Derbiyada xabadaha sida ay u dumiyeen, waxaad dhaheysaa waxaa ka hoos jira marxalad kale oo ay adagtahay tahay fahamkeeda.

Kooxaha dowlada kasoo horjeeda, waxay u kala sii kala qeybsan yahiin gabal gabal, oo kuwaba kuwa kale kasii madax banaan yahiin, una kala mayal adag yahiin. Marka la isku daro ayaa waxay noqonayaan, kuwo ka taliya magaalada Muqdisho guud ahaan.

Waxaana kusoo gaabin karaa Ciidamo ay horjoogayaal ka yihiin hogaamiyeyaal dhalin yaro ah oo midba mabda’iisu ka duwan yahay kan kale. Halka qaar ay u dagaalamayaan Shareecada Islaamka, qaarna waxa u muuqda dhac iyo boob. Iyadoo aysan ka marnayn kuwo raba Aargoosi, ama ha ahaadeen kooxdii Shariifka ku biiray, ama lafsadiisa kooxdii uu ka soo goostay ee Mucaaradkaba.

Arintaas jacburka ayaa ah midda adkeyneysa in la kala aqoonsado amaba aanay marna sahlaneyn in aad la kulanto Hogaan sare oo Mucaaradka  ah. Inkastoo mar danbe aan ku guuleystay gor gortan dheer kadib inaan la kulmo laba ka mid ah, horjoogeyaal dagaal. Way iga diideen inaan turjubaan soo kaxeysto. Waqtiga iyo meesha lagu kulmayana iyaga ayaa go’aamiyay.

XAALKA MUQDISHO MA WADA XUMA

Waxaa loogu yeeraa, Sheikh Abukar Abu Saciid iyo Sheikh Abu Xamsa. Mid waa ku dhowaad Labaataneeyo jir. xiran Okiyaal madow oo weyn, iyo koofiyad  (base-ball). Midka kale, ma war badna, oo wejiga dhan ayaa u qarsan. wuxuu iigu bilaabay hadal  « “Sheikh Shariif waxuu sheegtaa inuu yahay madaxweyne. Waxaa uuna ka taliyaa in ka yar 2-km iskuweer. Asigoo adeegsanaaya, ciidamo Ajaanib ah ! Waa nin Jiran! Daba ku dhilifka reer galbeedka wadata”.. »  

Iyaga waxay  isku tilmaamaan « Wadaniyiin diintoodana difaacaya » : « Bacdamaa  Soomaalidu 100 %  yahiin dad Islaam ah, waxaan rabnaa, inaan ku noolaano Shareecada Islaamka. Si dhab ah in aan u qaadano. Ma qaadaneyno waxa uu Sheikh Shariif  rabo inuu nagu mada daaliyo. » Sheikh Abukar Abu Saciid iyo Sheikh Abu Hamsa Waxa ka muuqatay naceyb ay u qabaan Ajaanibta dalkooda joogta, mida kaliya ee ay aqbalayeen waxay aheyd kuwa Aqwaanul Muslimka ah, ee ka garab dagaalamaya. oo ay ku xireen Sharuud ah, inay dib ugu laabtaan dalalkooda, markuu dhamaado dagaalka  « Wax dhib inagama dhexeeyo reer galbeedka iyo anaga, caadi ahaan. Dal xumaato qaas ah aan u qabno caalamka ma jiro. Laakiin kuwa isku dayaya inay na gumeystaan, iyo kuwa taageersan cadawgayagaas, waa kuwa ay cadaawadda inaga dhaxeyso»

Muqdisho xaalkeeda ma wada xuma ! Howlaha ganacsi wey kala socdaan. Inkastoo qarashka ku baxa amaanka uu sare u kacay  (Biilka ciidamada waardiyeysa badeecoyinka, hubkooda, jaadkooda tusaale ahaan). Qarajka ku baxaa waardiyeyaasha maahan mid qiimo weyn leh, marka la eego dal aan laheyn dowlad dhexe oo aruurisa canshuur oo aysan jirin wax koontarool ah, sharuuc iyo qawaaniin ganacsi la ilaaliyo laheyn iyo iwm.

Waxaan kusoo koobi karaa, in ganacsatadu qeyb ka yahiin, ayna maalgeliyaan, isku dhex yaaca dalka ka jira… Wadooyinka burbursan waxay ku fidiyeen bacaad iyo jaay, Wax laami ah ma jiro. Telekomunikashinka ama Isgaarsiinta xageeda waxaa ka muuqda horumar la tilmaami karo. Telefoonada gacanta waxaa uu muhim ugu yahay sidii Shacabku ay xeriir joogto ah ugula lahaan lahaayeen, qurbajoogta.

Ka dhex muuqashada Siyaasadda Soomaaliya waxay u baahan tahay, la qabsasho wadciga, isbedel joogto oo caqliyeysan iyo mabda’ mowqif cad ah ku dheehan. Waxaa  tusaale cad arinkaas u ah, Sheikh Yusuf Siyaad Indha-Cadde.

 Mar aan wareysanayay waxaa uu warkiisa iigu bilaabay, su’aal lama dhaafaanka ah  : « Muslin maa tahay ? ». Jawaabteyda Mayadda ah, ma aysan abuurin wax dhaafsiisan, garbo nuuxnuuxis. Dagaal oogahan, magaca ku leh bulshada, waxaa uu ahaa wasiirkii difaaca ee xiligii Maxkamadaha Islaamka. Waxaa uu ka garab dagaalamay dhamaan kooxaha Dowlada ku kacsan.

«”Aniga ayaa dhisay Shababka ayuu yiri Indho-Cadde Sagaashanaadkii, Waxaan ka dagaalameynay xuduudka Ethiopia. Kooxdeyada waxa la oran jiray AL ITIXAAD. Qeyb inaga mid ah ayaa ka baxay oo iska joojiyay dagaaladdaas, una jeedsaday ganacsi iyo howlo kale.  Qeybna waxay go’aansadeen inay sii wadaan halganka. Waxayna noqdeen Al-Shabaab.»

Yusuf Siyaad Indha-Cadde  waxaa uu Hadda ku biiray Dowladan ku meel gaarka ah, isagoo xiriirka u jaray kooxaha kasoo horjeeda dowlada. « Waxaan aqoonsaday, inay qeyb ka mid ah mucaaradku ay leeyahiin barnaamijyo kale », ayuu iigu sheegay. Waxa uu ka hadlayay Al-Qaacida. Xaqiiqduse waxay tahay, in shakiga jiray ee xeriir hoosaadyo  ka dhaxeeya Al-Qaacida iyo kooxahani, waxa la sheegi jiray ka hor intaan la abuurin AL-Shabaab : Ururkii AL-ITIXAAD, ee uu Indha-Cadde tilmaamay ka mid ahaan shahiisa,  Ayaa lagu eedeeyaa inuu: ka caawiyay dhanka Saadka,  Qaraxyaddii ay Al-Qaacida ka fulisay Dalka Kenya, gaar ahaan magaalada  Nairobi Sanaddii 1998. iyo qaraxii kale ee Mombasa sanaddii 2002, Laakiin wuu ilaaway inuu iigaga waramo dibadda mar aan la taagnaa..

Mid ka mid ah ilaalada Yusuf Indha-Cadde, waxaa uu si kaftan ah iigu yiri : « marxaladan haduu isbedel Siyaasaddeed oo wanaagsan kasoo bixi waayo, waxaan ku talo jiraa, inaan halkan ka tago oo aan Baddaha ka qaraab doonto sida Buracad Badeedda oo kale. »

http://www.parismatch.com/Actu-Match/Monde/Actu/Les-Saigneurs-de-la-guerre-regnent-sur-Mogadiscio-103061/

Waxaa tarjumay Mohamed Abukar Mursal

SomaliSwiss Neuchatel

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: