WARBIXIN ku saabsan: Dagaalkii cuslaa ee Saakay ka dhacay Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Mudisho

Halkaan ka akhri

Mudisho.jpg1Dagaal Culus oo la isku adeegsanayey Hubka Noocyadiisa kala Duwan ayaa Saaka ka billaamay ilaa haddana ka socda qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Tarabuunka iyo Nawaaxigiisa, dagaalkaas oo u dhaxeeya Xoogaga Xisbul Islaam iyo Ciidamada DKMG ah.

Sarkaal sare oo ku sugan goobta Dagaalka ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada DKMG ah ay xalay saq dhexe, weerar ku soo qaadeen, isla markaana laga qabsaday Tarabuunka ilaa iyo Garoonka Ciyaaraha ee Horseed, hase yeeshee Dagaal wuxuu hadda ka socdaa Warshadda Caanaha iyo Xero Ruushka Degmada Hodan.

Dhanka kale Madaafiic u muuqda in laga soo ridayo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa ku hoobanaya Qeybo ka mid ah Degmadda Hodan iyo Howl-wadaag.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab oo isku dhinac ah iyo DKMG ah, waxayna saraakiil ka mid ah Xisbul Islaam sheegeen in weerarka lagu soo qaaday.

Hase ahaatee  sida lagu soo warramaya in Ciidamada DKMG ah ay joogaan Nawaaxiga KM4, sidoo kale waxa uu Dagaal xoogani ka bilowday Isbitaalkii hore ee Digfeer iyo agagaarka Xaafadda loo yaqaano “Soona K” ee Degmadda Hodan.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka.

dad dhintayWararka naga soo gaaraya goobta dgaalka wuxuu sheegayaa in 4 Qof ay ku geeriyootay 7 way ku dhaawacmeen Duqeyn Ba’an oo ay Ciidamada AMISOM u geysanayaan Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag ee Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale Madfac ku Dhacay Agagaarka Hotel Bakiin ee Howl-wadaag ayaa sababay Dhimashadda 2 qof iyo Dhaawac 4 kale.

Hay’adda Gaadiidka Gurmadka ee Life Line Africa ayaa sheegay in ay qaadeen 7 qof oo ku dhaawacmay Madaafiic iyo wiifto isla socota Gudaha Suuqa Bakaaraha, Howl-wadaag iyo xaafadda KPP.

Inta badan Marka ay sidan oo kale u dhacaan Dagaalo culus ayay Ciidamada AMISOM Madaafiic aan loo aabo yeelin ku garaacaan goobo ka baxsan halka lagu dagaalamayo iyo waliba meelaha ay dagaaladu ka socdaan.

Taliyihii Ciidamada Booliiska G/Banaadir oo ku geeriyooday Dagaaladii saaka.

Taliyihii ciidamada Booliska dowladda KMG ee gobolka Banaadir Cali Saciid Sheekh XasanSida wararka ay nagu soo gaarayaan waxaa Dagaalkii saaka ka dhacay Tarabuunka iyo Nawaaxigiisa ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir Cali Saciid Shekh Xasan, Sidaas waxaa xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah.

Hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in uu ku geeriyooday Madfac ku dhacay balse lama sheegin halka uu ka yimaaday Madfacaasi.

Maxay ka tiri Dowladda KMG ah, Dagaalka ka socda Degmadda Hodan.

Waxaa dhinaca dowladda u hadlay C/risaaq Maxamed Qeyloow oo ah Ku Simahaqeylow Afhayeenka Maxkamadaha ku biiray DKMG ah ee dhinaca howl galada oo hadlay Dagaalka ka socda Degmadda Hodan, wuxuuna sheegay in ay wali ku suganyihiin Goobihii ay saaka Dagaaladu ka bilowdeen, sidoo kalan ay gacanta ku dhigeen Maxaabiis uu ku tilmaamay kuwo la soo khalday.

C/risaaq Maxamed Qeyloow oo la weydiiyay halka ay joogaan Ciidamadooda, waxa uu yiri “Goobihii saaka lagu dagaalamay, ilaa xad waa laga sifeeyay Dagaalkiina wali waa socdaa”.

Sidoo kale waxaa la weydiiyay in ay iyagu weerarka soo qaadeen iyo in kale ayaa waxa uu yiri “Shalay nimanka iyaga ayaa Dagaalka qaaday oo Goobo iska xasiloonaa ku duulay, Hadde Duulaankii ay wadeen Jawaabteed waaye”.

Waxaa kaloo wax laga weydiyey Dhinaca Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Dowladda KMG ah, ha yeeshee waa uu ka gaabsaday C/risaaq Maxamed Qeyloow a waxa uu yiri “wax way iska jiri karaan laakiin anigu hadda waxa aan kuu sheegayo ma lahan”.

Afahayeenka oo hadalkiisa sii wata wuxuu  sheegay in ay Gacanta ku dhigeen maxaabiis uu ku tilmaamay ilmo yar –yar oo la khalday, wuxuuna yiri“ilma yar-yar oo laga soo qabtay oo hubkiina lagu soo qabtay ayaan hadda gacanta ku haynaa oo Maxaabiis ah oo ilmihii la khalday oo Jihaad lagu Tilmaamay Dagaalkaan Fitanta ah oo ay Dowladda kala soo horjeedaan ah, ilmihii way I hor taaganyihiin way joogaan hadaad rabtaan waad imaan kartaan Iclaamka waad arki kartaan”.

Balse ilaa izo hadda ma jirto cid kale oo Madax banaan oo xaqiijinaysa hadalka ka soo baxay DKMG ah ee ah in ay gacanta ku hayaan Maxaabiis ka tirsan xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah

Maxay ka yiraahdeen Xisbul Islaam Dagaalka ka socda Nawaaxiga degmada Hodan.

sh-xasan-mahdi1Mas’uul Sare oo ka tirsan Xisbul Islaami oo  magaciisa lagu sheegay Sheikh Xassan Mahdi ayaa la hadlay warbaahinta Muqdisho, wuxuuna ka warbixiyay Dagaalka ka socda Nawaaxiga Tarabuunka, wuxuuna sheegay in Xalay Saq-dhexe weerar lagu soo qaaday isla markaana laga qabsaday markii hore Tarabuunka, Horseed illaa agagaarka Xeraddii hore ee Ruushka, balse waxa uu sheegay in ay dib uga saareen.

Sheikh Xassan Mahdi, ayaa sidoo kale sheegay in Maydadka Askar ka tirsan DKMG ah ay yaalaan Tarabuunka, iyo Xero Ruushka Horteeda.

Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho oo wax ka weydiiyay khasaaraha Dhinaca Xisbiga soo gaaray wuxuu Sheikh Xasan Mahdi ku jawaabay “wali Dagaalka aad uma gabo-gaboobin Dib ayaan ka soo sheegi doonaa Insha Allaah”.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: