Sheikh Maxamed Xasan Cameey oo sheegay in ay dhawaan jagooyin sare ka qaban doonaan dowladda KMG Soomaaliya.

Sheikh Maxamed Xasan Camey

Halkaan ka akhri

 Sheikh Maxamed Xasan Cameey oo ah gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam ee dowlada la heshiisay ayaa sheegay in ay dhawaan ay filayaan in jagooyin sare laga siiyo dowlada Madaxweyne Sheikh Shariif, taasi oo uu sheegay in ay ku heshiiyeen iyaga iyo dowladda KMG ah.

Sheikh Maxamed Camey ayaa tilmaamay in ay jiraan Madax sar sare oo kooxdooda ka mida oo haatan la rajaynayo in ay jagooyin ka qabtaan dowlada KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin marwaliba in ay difaacaan dowlada KMG Soomaaliya.

Sheikh Maxamed Camey ayaa ka mid ahaa madaxii Xizbul Islaam garabka uu ku jiray Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde, iyadoo haatan ay ku biireen dowlada KMG Soomaaliya, isla markaasna ay ciidamadooda ka barbar dagaalamayaan kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Hadalkan uu jeediyay Madaxa kooxda Xizbul Islaam ee Garabka Dowlada raacay ayaa ku soo beegmaya xili hadalhaynta dadka reer Muqdisho oo ah in Sheikh Yuusuf Indha-Cadde loo magacaabi doona xil Qunsulka Soomaaliya u fadhinaya wadanka Imaaraadka Carabka wallow arintaasi xaqiiqadeeda wali ay soo baxin.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: