Seminaar lagu baranayey dhacdooyinka dagaalada iyo qaababka loo xalliyo oo loo qabtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton St. Gallen.

DSC00140

Halkaan ka akhri

DSC00140

Jaaliyadda Soomaaliyeed Bariga Swisska ee Kanton San Gallan ayaa waxaa Maalintii Axadda ahayd ay qaateen Seminaar lagu baranayey, sida loo xalliyo Iska horimaadyada iyo Colaadaha fara ka hadalka ah ee ka dhax dhaca dadka bani’aadanka, Sida laba Qof, Qoys, Qabiil iyo Qaramo dagaalamay.

Seminaarkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Hay’ad Soomaaliyeed oo Samafal  ah, magaceeduna la yiraahdo RAJO Peace, Integration & Development for Somalia oo ka dhisan dalkan Switzerland, iyadoo la kaashanayso  Goddoomiye Jaaliyadda  ee Kantoonka Bariga Swisska ee San gallen  marwo Leyla Qanyare.

DSC00142

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb qaadanayey Seminaarkaas ayaa sheegay in Duruustii ay ku qaateen Seminaarka ay ka mid ahaayeen dhacdooyinka dagaaleed ee dhacay mudadii uu ka socday dalka Soomaaliya dagaalka sokeeye.

DSC00143Casharrada Seminaarkan ayaa waxaa bixinayey, islamarkaasna  isla daadihinayey Macallamiin Soomaali ah oo magacooda la laka yiraahda Maxamed cabdullaahi iyo Deeqa Cabdullaahi oo in muddo ahba baranaysay Cilmiga dagaalada iyo Herr Ueli Wilberger oo ah khabiir ka socda Hay’adda (IFOR),  kuna takhasuskiisay Cilmiga isku dhacyada iyo Xal u helida aan Xoog ahayn (Non-Violent Conflict Resolution),  hase yeeshee duruustii halkaas lagu qaatay ayaa waxay ahayd mid xiisa gelisay ka soo qayb galayaasha.

Seminaarkan oo la bixiyey Maalin keliya,  ayaa markii la soo gabagabeynayey ka hadashay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed  Bariga Swissks ee Kanton San Gallen Marwa Leyla Qanyare, waxayna sheegtay inay ku faraysan tahay sida waanaagsan ee ay jaaliyadu u qaateen Casharrada Seminaarka.

DSC00145Sidoo kale Marwa Leyla waxay ka codsatay Madax , Integration-ka iyo Xiriirka Kantoonada ee Hay’adda RAJO Peace, Integration & Development for Somalia Dr. Axmed Dhicisow daauud, Abuukar Macallim Mursal oo ah Madaxa Tababarrada iyo Ing. Muuse Cabdullahi oo ah  Guddoomiye Ku/xigeenka  Ururka Rajo oo dhammaantood ka soo qayb galeebn Seminaarkan si ay u ogaadaan sida uu u qabsoomay .

Waxaase la yaab lahaa in laba Gabdhood oo aan qaan-gaar ahayn oo ka mid ahaa dadkii Seminaarka qaadanayey ay halkaas ku soo bandhigeen sida ay u fahmeen duruustii halkaas ka baxaysay, waxayna fasiraad dheeri ka bixiyeen sida ay garteen dersigaas, balse waxaa ka sii darnaa  sida ay u soo Sawireen qodobyadii dersiga. 

DSC00146

Ma ahan markii uga horreysay oo Hay’adda RAJO Peace, Integration & Development for Somalia ay qabato Seminaarada lagu baranaayo waxa keena dagaalada iyo sida lagu xalliyo, hase yeeshee ilaa iyo hadda waxaa Seminaarka noocan ah la siiyey Kantoonada Zürich, Basel, San Gallen iyo Aarau.

SomaliSwiss      Zürich

Waxaa soo dizaariyey Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: