Barlamaanka dalkan Switzerland oo Ansixiyay in ciidamo dheeri ah loo diro xeebaha dalka Somalia.

bern_swiss_parliament

Halkaan ka akhri

Dowladda Switzerland ayaa sheegtay in Baarlamaanka Swiss-ka uu ansixiyay in ay ciidamo dheeraad ah u diraan howlgalka Midowga Yurub ee lagula dagaalamayo Burcad badeeda Soomaaliya.

Baarlamaanka dalkan Switzerland ayaa  waxaa uu ansixiyay in  talaabadaani Militari ay tahay mid muhiim u ah difaacidda iyo ka hortagga falalka lagu afduubanayo Maraakiibta gar gaarka iyo kuwa wadamada Yurub laga leeyahay ee  ku safra gacanka cadmeed iyo biyaha wadanka Soomaaliya oo iyadu noqotay meel halis badan.

Barlamanka Switzerland ayaa isku raacay inay muhiim tahay in la wiiqo awooda Burcad Badeeda afduubata Maraakiibta Shisheeye, wuxuuna Baarlamaanka sheegay in uu wanaagsan yahay Howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

Go’aanka uu qaatay Baarlamaanka dalkan Switzerland oo uu ku ansixiyay in Ciidamo loo diro Badaha ku xeeran Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyay dalal dhowr ah oo ka tirsan Midowga Yurub.

Howlgalkan lagula dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa dowladaha Midowga Yurub qaar waxey ka wadaan Xeebaha gacanka carbeed iyo biyaha dalka Soomaaliya, waxeyna ujeediisu tahay sidii Burcad Badeeda ay ula dagaalami lahaayeen.

SomaliSwiss Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: